Dhibka ugu badani yuu ku dhacayaa haddii dowlad la waayo?


Intii uusan dalku burburin oo aysan aafadu nagu dhicin, Soomaaliya waxa ay laheyd wax kasta oo ay dowlad annagoo kale ah laheyd haba sii tayo yareysee sanadihii ugu danbeeyay.

Isku soo duuboo, waa la dhaqnaa oo dadku waa kala maarmeen oo qoys kastaaba qof lagu fakto marka xaajo xumaato ayaa Ilaah ka soo dhexsaaray. Dadku magaalooyinka waa weyn iyo dalka dibaddiisa ayey u kala shaqo tegi jireen wixi Ilaah ka siiyana dadkooda iyo dalkooda uga manaafacaadsan jiriin.

Sida wadama caalamka kale ka jirtay, xaalado iyo duruufo loo xaglinayay inay dowladdu ka danbeysay iyo sheeg sheegad waa jiray balse dadku dhaqdhaqaaq ayey lahaayeen waana kala mashquulsanaayeen.

Waxay xaaladdu sidaa ahaataba, dadki intoodii ugu ladnayd oo ama shaqaale dowlad ahaa, ama ciidan ahaa, ama ganacsato ahaa amaba aqoonyahan ahaa ayaa mar uun billaabay ka sheegasho ay ka sheeganayaan maamulki ay iyagu waxa dheerida ku haysteen ee aqoonta, darajada iyo maalkaba ay gudahiisa ku heleen waxayna billaabeen in ay reer reero jabhado u sameystaan. Sida caadada u ah maamulna, markiiba dowladdii waxa ay billowday inay cid kasta oo raad soo galaba ka yeesho waxa ay u arkaysay inuu xal u yahay sax iyo qaladba.

Waxay soo jiitanto oo maalinba mid hor leh ugu biirayay jabhadaha ugu danbeyntii dalkii waxaa a wareegay jabhadihii oo aqoonyahankoodii, ganacsatadoodii iyo askartoodii aysan waxba ku soo heshiin balse ku wada socday in dowladdaa la tuuro. Wixii dhacay waaba la ogaa ee maxaa dad helay.

Dhibkii ugu badnaa ee qof Soomaali ah gaaraa waxa uu ku dhacay kuwii iyagu ku ladnaa maamulkii markaa jiray ee taageerayay jabhadaha ee garan waayay war waxa aad taageerayaan maxay noqon doonaan: Waa ganacsatadii, waa aqoonyahankii, waa shaqaalihii dowladda, waa saraakiishii iyo odayaashii dhaqanka qaar badan oo ka mid ahaa iyo culumo.

Waxaa Ilaahey qadaray in Jabhadihii markay dalka qabsadeen maadaama aanan markii horeba isku ujeed la aheyn in dalkii galo xaalad aanan la saadaalin karin oo dagaallo shacab ay meelo badan ka qarxeen. Talo faro waa ka baxday. Waxaa dhacday in kuwii islahaa waxa socda hoggaan baad u tihiin waayeen wax ay hoggaan u yihiin oo ha la isdiirto iyo ibixi oo i bixi ay meel kasta noqotay.

Shaqaalihii dowladda iyo dhammaan xoog maalkii iyo askartii (saraakiisha iyo deblayda) xaalad adag ayaa la soo deristay dhammaantood. Waxaase ugu darnaa saraakiishii iyo ganacsatadii iyagu maalkooda ku dhiibi jiray oo markay arkeen si wax u socdaan qeyb ka noqday wixii socday ama iyagu xaalad adag ku qabsatay dalka. Waxaa caan ah oo la garanayaa saraakiil iyo madax sare oo uu burburku ku qasbay, si ay nolol u helaan, inay qabtaan shaqooyin aysan weligood ku fikirin.
Intii yareed ee ganacsatada aheyd oo ay wax u badbaadeenna ee dalka joogi weyday qaar badan waxa ay qaxooti ku noqdeen wadamada deriska iyo meelo ka fogfog kuna wajaheen nolol aysan weligood ku fikirin inay geli doonaan. Ganacsatadii dalka ku hartana, kuway shalay lacagtooda ku hubaynayeen oo ay kula dagaalamayeen nidaamkii ay ka taajireen ayaa maalin cad suuqa bartamihiisa baabuurtii iyo wixii u haray kaga dhigtay. Yaa reer hebel ah wax ha noo dhisto.

Wixii la soo kufkufaba, la is daba qabay oo sanado dhowr ah waxaa dalka ka jira wax dowlad u eke ah oo qofka maalintaa joogaahi uu tabartii dadaalayo dadkuna leeyihiin wax dhaama lama hayo ee ha la taageero waxaase nasiib darro ah in wixii nagu dhacay aysan aqoonyahannada, ganacsatada, saraakiisha iyo shaqaalaha dowladdu aysan weli wax ka baran. Waa Yaab.

Maantaan arkaysaa “Janan” leh dowladda ayaan shaqsiyaad ka difaacayaa oo iyadaa ka horimaanayaa. Hadda ogow waa mushaari aanan shaqeyn oo intaa oo ciidan ah naftiisa ilaaliso oo aanan kaligii wadada mari karin dhibka uu ummadda u geystay darteed. Waa yaabe, Hilmaan dhowinaa.

Wiil aqoonyahan ah oo adduun soo maray oo wadamo islaameed qaxooti sanado ku soo ahaa oo maanta ku nool Soomaaliya nolol uusan weligii qurbaha ku heleen ayaa leh inta yar ee maanta ummadda u dhisan ha la burburiyo isagoo u shaqeynaya cid uusan garanaynin. Ma hilmaamay meesha uu u noqon doono haddii inta yar ee laheysto isku yaacdo.

Waa yaabe, maxaa dadka kan ugu jilicsan ku riixa inuu taageero waxaan dani ugu jirin?

Soomaalidu waa inay baraarugaan diidaanna hirgelinta hammiga shaqsiga ah ee uu musharax wato. Khaasatan, dadka dowlad ku noolka ah waxaan leeyahay si cad u diida in mar kale dalku hortiinna ku burburo oo ay qaadato in 20 sano kale si mar kale la isu raadraadiyo. Soomaaliduna ha ogaato inaysan adduunka walaal u soo gurmada aysan ku laheyn oo iyaga uun la isku fiirsado oo inta wadan oo gadaasheen qalalaaso ka dhaceen ee loo gurmaday ay ciiddaa ka badan yihiin annagase sidaa lanoo sii kala qeybqeybinayo inta kuwa kale la isku qasbaayo.

Talo gaar ah waxaan u soo jeedinayaa musharixiinta Jazeera. Ilma adeerayaalow isku noqda oo sida aad wax u wadaan wax ka bedela oo eraya xanafta leh joojiya oo ummadda ha kala geynina. Sheega waxa ay tahay in dowladdu saxdo, ugana danbeeya dowladda howlaha dowladnimo iyo maamul. Haddaad diidaan oo aad wado xirasho iyo xisaab xumadii hore aad billowdaan, ogaadha inaad Muqdisho dhowr xaafad nin walbaaba ka talin doono oo wax Soomaaliya la yiraa oo aad xukuntaan aanan la raki doonin. Fadlan inta yar ha naga burburinina ee waxa aad rabtaan ka raadiya xildhibaanada la xuli doono illeen in wax la doorto lama ogolee. Haddaad diidaan Waxaan ka rajeynayaa dadka aad ku tashanaysaan inay idinka tashan doonaan dantoodana ka horumarin doonaan tiinna.

Burbur danbe ma rabnee, Soomaaliyey isu tanaasula.

W/Q: Cabdihakin Cali Casir

Maxaa u xal ah ilmihii iskuulada laga joojiyay iyo weliba kuwii sanadkaan imtixaanada sugaayay?

Xaaladda murugada leh ee uu xanuunkan adduunka oo dhan simay keenay ma aha mid la soo koobi karo dhinacyo badan ayuuna saameyn ku yeeshay kuna yeelan doonaa oo cid garanayso xaalku sida uu ahaan doono maalmo ka dib ma jiraan, hadana waxaa lagama maarmaan ah in wax badan la iska warsado khaasatan bahda waxbarashada iyo wasaaraduba isweydiiyaan, sida wax la yeeli doono haddii xaalladu sidaan sii ahaato. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Sideen ku helnaa, macallimiin ku jira miisaaniyadda dowladda oo aanan aheyn kuwa hadda iskuulada dowladda ka shaqeeya? Talo soo jeedin

(Qoraalkan waxaan qoray sanad ka hor)

Horumarinta waxbarashada dalka waa furaha helitaanka bulsho ujeed mideysan leh oo iyagu qaabeeya qaabka ay rabaan inay dadkoodu ula jaan qaadaan isbedelka xowliga ah ee uu caalamku maalin kasta ku sii dhaqaaqayo. Waana heerka waxbarashada waxa keena horumarka amaba dib u dhaca bulsho ku yimaada.

In kasta oo aanan la inkiri Karin waqtiga adag ee uu dalkeennu soo maray, hadana waxaanan la dayalsan Karin tillaabooyinka ay madaxda dalku ay ku tillaabsadeen amaba ay qorsheynayaan. Waxaana sax ah inay jiraan caqabado badan oo aanan suurta gal ka dhigeynin wax kasta oo ay dowladdu rabi laheyd inay wax ka qabato, oo ay ugu horeyso miisaaniyad yari dalka oo dhan oo kallifeysa in aanan si ballaaran loo hirgelin Karin adeegyo badan oo aasaasi ah maadaama wixii la sameeyaba ay qoondo gooni ah u baahan tahay. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Ma tahay in la mideeyo waxbarashada dalka, maxaase looga gol leeyahay mideyntaas?

Inta aan su’aashaa jawaabteeda aanan si ballaaran uga jawaabin, waxaa jira waxyaabo badan oo loo baahan yahay inaan marka hore isla fahanno taas oo ay ugu horreyso, ujeedka waxbarashada iyo sababta wadan kastaaba uu u yeesho waxbarasho gaar ah oo ay iyagu si gaar ah u abaabushaan una ilaashaashadaan oo weliba wadamada qaar ay qaabkii waxbarashadadooda iyo dhaqankooda ay rabaan inay caalamka oo dhan uga dhigaan dhaqan amaba habka loo fikiro. Marka ujeedka waxabarashada aan isla fahanno, hadana waxaa loo baahan yahay inaan isla fahanno taariikhda waxabarashada Soomaaliya iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay iyo meesha ay maanta joogto. Waxaa kaloo aynnu u baahannahay inaan fahanno, dhibaatooyinka ka dhashay burburkii dalka ee ku aadan waxbarashada dalka iyo sida ay dowladihii kala danbeeyay ay isugu dayayeen inay arintaa wax ka qabtaan iyo maanta waxa nala haboon si aan u helno waxbarasho tayadeeda la isku haleyn karo oo dal iyo dibadba ardayda dhigata iyo dalkaba anfacta, dalkeenana u horseedda horumarka dhaqan dhaqaale ee laga rabo in waxbarasho wadan ay dalkeeda gaarsiiso. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Ma af-Ingiriis in lagu qoraa ‘manhajka’ Soomaaliya mase Af-Soomaali?

Doodani waxa ay si lama filaan ah uga billaabatay bogagga dadku ku wada hadlaan markii dowladda Soomaaliya ku guulaysatay inay daabacdo buugaagtii ay ardaydu wax ka baran lahaayeen ee illaa sanadka siddeedaad oo weliba dhallin badani waxa ay ku doodeen, marka aan soo koobo, in ay dalka u fiicnaan laheyd in wax lagu barto Afka Ingiriiska iyadoo la fiirinayo dhowr waxyaabood oo ay ugu hormariyeen; in luqaddeenno ay ugub tahay oo aysan laheyn waxbadan oo ay leedahay luqadda Ingiriiska, in Af-Ingiriisku maanta yahay kan caalamka oo dhan wax lagu barto. Inuu ardayda u fududeynayo inay waxbarashadooda sii wataan oo caalamka meelo badan wax ka sii baran karaan iyo in shaqo helidda ay fudud tahay haddii aad taqaanno Af-Ingiriiska. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Soomaaliyey, wada hadla oo si laab xaaran u wada hadla oo midnimo ku heshiiya. Ka gudba wixii shalay.

Xaaji Jayte oo walwal badan ka muujiyay mustaqbalka dalka.

somali flagMaanta oo aan waqti dheer isu helnay aniga iyo saaxiibkey Jayte ayuu si dheer iiga hadlay sheeko dheer oo ku saabsan aayaha dalka iyo sida uu uga walwalsan yahay iyo weliba rajada uu qabay iyo waxa uu maanta maqlaayo.
Markuu muddo aamusnaaday ayuu Jayte igu yiri: Saaxiib, waa ayaan raddo weyn inaan meel aan u soconnoba aanan aqoonin.

Jaamac: Anoo yaaban ayaan waxaan ku iri Jayte, maxaad ka hadlaysaa, markaas ayuu iigu celiyay, haddaadanba adigu I fahmeynin waxaan sheegaayo waxbaa ka jira. Kaligey ayaan dib u fariistay oo waxaan is iri odayga ma loo soo socdaa waa kan maanta kaligiis sheekeysanaaye.

Jaamac: Anoo kaligey is weydiinaaya waxa uu Jeyte ka hadlaayo ayuu isagoo hadal dabacsan ku hadlaaya igu yiri; Saaxiib, horta waxaan ummadda Soomaaliyeed heysannin aniga ima heystaan oo aniga wax ii gaar ah ma leh balse waxaan rabaa inaan ku tusaaleeyo waxa aan soo arkay iyo sida aan filaalay iyo sida hadda wax u muuqdaan.

Jayte: Anigu waxaan ahay ilmihii kacaanka markuu dalka qabsaday dhashay oo arkay kaliya dowladdii kacaanka. Waxaan heystay wax kasta oo cunug yar oo caalamka ku nool uu heystay oo waxa ay isugu jireen wax waalidkey uu I siiyo iyo wax dowladdu I siiso oo raashinka ma ahane wax kasta oo kale oo ay ku jiraan caafimaad, waxbarasho iyo adeeg kasta dowladda ayaan ka heli jiray. Waxaan ku soo koray magaalo madaxda dalka oo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay Soomaaliya dhulka la yiraahdo ay uga noolaayeenba ay dhammaantood wada deganaayeen oo waxaan deris aheyn 5ta Soomaaliyeed dad ka kala yimid. Waxaan dalka ku gaaray illaa heer jaamacadeed oo waxaan soo dhigtay Jaamaccaddii ummadda oo waxaa wax ii dhigi jiray macallimiin lataliyaal u ahaa madaxweynihii hore dalka iyo qaar iyaguna madax sare dalka ka soo qabtay oo maanta badankood aysan noolay Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Aabo, ma maantoon baaba’nay ayaad na soo raadisay hooyadeenna ay ku jirto isbitaalka dhimirka?

Qaybta 3aad

Maxammed aabihii Xassan oo aanan war u heynin waxaas oo dhan, ayaa loo sheegay in wiilkiisii lagu xukumay inuusan dukaamada magaalada tegi Karin oo laga mamnuucay maadaama lagu qabtay isaga oo wax xadaya. Maxamed aabihii waxa uu isla markiiba billaabay inuu yiraa, “waan filaayay inuu saan noqonaayo maadaama aysan hooyadii ka warqabin oo aysanna talateyda qaadanaynin”. Hooyo Xaliimo oo muddo dheer u adkeysan la’eed erayada Xassan iyo masuuliyad darradiisa ayaa meel aan u dheerayn kaga soo dhawaaqday, “ma shaqadaad dayacday ayaad aniga igu eedeysaa” markaas ayey waxa ay ku dartay “ma waanan tiro ka toban jeer kuu sheegin, xaaladda wiilkaan, oo aan ku dhihin walaalow wiilkaan ka warqab oo xilli qatar ah ayuu ku jiraahe ha igu halaynin. Ma waadan ilaahey ka cabsaneynin. Fadlan asxaan ii samee ee I dhaaf oo aniga iyo ilmaheyga na dhaaf, oo haddaadan waxba noo tereynin dhibkaada nala dhaaf. Haddaan baaba’ayno iyo haddii kaleba aan isku tashanno intaan kugu tashan lahaaye walaalow dib ha noogu soo noqon”.
Oday Xassan oo aad u malayso inuu intaas sugaayay ayaa gurigii intuu alaab heystay ka aruursaday oo ku goodiyay “adiga iyo ilmahaadu haddii aad iga maarantaan waa la arki doonaa ee yaan la iga soo daba wactamin”. Ciil iyo caro darteed Xaliimo, waxa ay maalmo dhan ku celcelinaysay “maanaa kaa daba wactamaya, ilaahow ha ii kasin”.
Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Aabo, ma maantoon baaba’nay ayaad na soo raadisay hooyadeenna ay ku jirto isbitaalka dhimirka?

Qaybta 2aad

Xaliimo iyo Xassan oo aan sheekadii dhameynin, ayaa waxaa albaabkii soo garaacay askeri boolis ah oo raadinaya Maxamed. Sedexdii magac oo Maxamed ayuu sheegay askerigu sheegay, waxa uuna weydiiyay inuu Maxamed gurigaan degan yahay. Hooyo Xaliimo markii ay Booliska aragtay ayey afka furatay oo ay oohin iyo qeylo isku dartay oo waxa ay tiri “aniga hadalkeyga diidaye Xassanow, bal fiiri heerka uu marayo” intaas markii ay tirina wey miir beeshay. Aabo Xassan oo yaaban iyo askerigii ayaa billaabay inay ambalaas u wacaan Xaliimo si gargaar degdeg ah loogu sameeyo. Xassan talaa ku cadaatay, hadana weli waxa uu leeyahay; “islaantaan kibirka badan inta wiilkeeda kibirka ka badiso ayey hadana isi suuxinaysaa, wallee iyada iyo wiilkaba anaa aqaan waxa aan ka sameynayo” halkaa ayuuna goodin ka sii waday oo uu weliba ku daray, “haddii ay i maqli waayaan iyagoo dhan Ayaan isaga dhex baxayaa, anigu inaan isla hadlo dalkaan uma soo doonan” Waa yaab! Su’aashuna wxa ay tahay yuu uga tegayaa Xassan reerkiisa? Yuu rabaa inay ilaaliyaan? Mase illowsan yahay waajibaadkiisa? Xaliimana isbitaalka ayaa loo qaaday, booliskiina waxa uu u sheegay inuu reerka dib ugu soo noqon doono marka Xaliima isbitaalka laga soo saaro. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Aabo, ma maantoon baaba’nay ayaad na soo raadisay hooyadeenna ay ku jirto isbitaalka dhimirka?

Qaybta 1aad

Maxamed, waa labo iyo toban jir kuna dhashay dalka Ingiriiska. Waxa uu la nool yahay aabihii iyo hooyadii iyo laba caruur ah oo aad uga yar yar, waxa uuna sanadkaan billaabay dugsi sare oo uu dad badan ka aqoonin. Maalin kasta marka uu ka soo noqdo iskuulka oo ay hooyo ka keento, maalmaha uu banooniga iyo dugsiga leeyahay ma ahane maalmaha kale waxa uu badanaa ku mashquulaa inuu layliyadiisa sameeyo galbihii ka bacdina waxa uu fiirsada taleefishinka, sideeda fiidnimo marka lagaarana wuu seexdaa.

Maxamed siduu sidaas u ahaa ayuu billaabay inuu isagu su’aalo isweydiiyo oo uu weliba Hooyo, Xaliimo weydiiyo su’aalaha qaar. Sua’aalaha ugu badanaana isagaaaba isweydiin jiray oo waxa uu dhihi jiray: “Aaway Aabahey? Mar kasta oo aan hooyo weydiiyo aaway aabo, waxa ay I leedahay waxa uu jiraa shaqo. Xalay ma arag, maanta inaan arkaayana u malayn maayo. Hooyaa Iskuulka I geysa, dugsiga Quraanka I geysa, banooniga I geysa, isbitaalka I geysa, oo weliba maalin kasta raashin ii sameysa”. Mararka kaliya uu Maxamed aabo fursad ku helana waxaaba aabihii ugu jawaabaa isagoo degdegsan “Aabo su’aalo badanidaa!, orodoo hooyadaa u tag oo weydii waxa aad rabto anigu waa daahsanahay oo meel baan u degdegayaa” marka uu hooyadii la hadlana waxa uu helaa isla jawaabtii uu heli jiray. Dheeho inta ka hartay qormadaan →