Baaba’a dadka Soomaaliyeed dad bey shaqo u tahay.

WQ: abdihakin A. Asir

Waxaan aad iyo aad uga xumahay abaaraha ku habsaday dadka Soomaaliyeed oo ay weliba ku kaliftay iney ka haajiraan dalkooda una haajiraan dalal aysan garaneynin oo loogu balan qaaday iney ka heli doonaan wax caawiya oo gargaar u fidiya.

Waxaan aad u soo dhoweynayaa in dadka tabaaleysan si deg deg ah wax loo gaarsiiyo, oo weliba sida ugu dhaqsiyaha badan loogu geeyo gargaarka ay u baahan yihiin iyagoo degan guryahooda. Taas macnaheeduse ma aha inaan laga doodin waxa kalifay ineynu dhowr sano gudahood ay dhacaan abaaraha soo laablaabta ee Soomaaliya ku habsaday. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Wadaninimadu ma wax loo dhashaa mise waa wax la isku barbaariyo?

WQ: Abdihakin A. Asir

Waxaa in badan la is weydiiyaa marka laga hadlayo arrimaha Soomaaliya, meeshii ay ka baxeen wadaniyiintii Soomaaliyeed ee wadankaan dhibka iyo rafaadka ka saari lahaa. Waxaase iga su’aal ah, wadaninimadu ma wax loo dhashaa mise waa wax la isku barbaariyo?

Sida ay dad badan oo Soomaaliyeed oo qurbaha ku nool ay ka warqabaan, meel kasta oo ay ku nool yihiin ilmahooda waxaa la baraa, oo iskuulada loogu soo dhigaa geesiyiintii wadamaas u soo halgamay oo gaarsiiyay heerka ay maanta joogaan. Ha ahaadaan kuwo siyaasiyiin ahaa oo wadmadaas maamuli jiray amaba kuwo cilmi iyo aqoon ku soo kordhiyay wadamadaas. Waxaana jira maalmo si gooni ah loo xuso si loo tuso dhalinta soo koreysa qiimaha iyo ahmiyyadda ay maalintaasi wadankaas u lee dahay, iyo weliba sida ay waajibka u tahay qadarinta maalintaas.

Waxaa ilmaha iyo jiilalka yaryar loo soo gudbiyaa qoraallo ka tarjumaaya dhibaatada loo soo maray xurriyadda ay maanta heestaan iyo nolosha ay maanta ku nool yihiin. Waxaa ilmaha yar la gaarsiiyay inuu fahmo qiimaha wadankiisa iyo waajibaadka isaga ka saaran horumarintiisa.

Waxaas oo dhan waxaa suurta gal ka digay qaababka waxbarsho ee wadamadaas loo diyaariyay, iyo weliba iyaga oo qasab ka dhigay in ilmaha la baro waajibaadka ka saaran wadankiisa iyo xaqqa uu wadankiisa ku lee yahay. Taasina waxey keentay in dadka ay noqdaan kuwo leh dan guud oo mar kasta ka horeysa danta gaarka ah. Wixii ka hor imaanaaya danta guudna, dadku si toos ah ayey uga horyimaadaan mana aqbalaan oo waxey isticmaalaan qaabab loogu tala galay oo ay fikiradooda ku muujiyaan.

Waxaan u maleynayaa akhristow inaad is lee dahay xaggeed nala aaday iyo yaad tusaale noogu soo qaadaneysaa, waayo maba aha laba walxaato oo la isku tusaaleyn karo. Balse u jeedadeydu waxa ay tahay inaan ka jawaabo su’aasheydii aheyd “Wadaniyadu ma wax loo dhashaa mise waa wax la isku barbaariyo?”

Wadaninimadu ma aha wax loo dhasho ee waa wax la isku barbaariyo, oo uu jiil kasta uu u gudbiyo jiilka ku xiga isagoo isticmaalaya wacyi gelin iyo baridda taariikhihii ay soo mareen aabayaashii ka horeeyay. Balse waxaa taas ku xadfan in mar kasta oo qofka wax loo sheegaayo, sababta loogu sheegaayo ay tahay inuu sidaas oo kale uu u dhaqmo noqdana mid ay taariikhdu xusto oo weliba ogaado in lagu abaal marin doono waxa uu dalkiisa u qaban doono. Waxaad moodaa in haddii aannu Soomaali nahay aysan noo suurtoobin arintaas oo aanan helin qaab waxbarho wacyigelineed, oo kobciya, barbaariyana dhalinyarada Soomaaliyeed si ay uga fikiraan aayatiinka dalkooda iyo dadkooda.

Taasina waxay keentay in Soomaaliya ay yeelan weyso hogaamiyeyaal ka fikira danta guud, maadaama aanba la kala aqoonin waxa danta guud ah iyo waxa danta gaarka ah.

Qaar badan oo ka mid ah madaxda dalka waxa ay ku soo koreen iyada oo gofkii xil loo magacaabo, uu u dhaqmo sidii inuu isagu uu meesha loo magacaabay uuba lee yahay uusanna la soconin in waxa loo magacaabay ay tahay ammaano laguna xisaabtami doono.

Waxey kaloy ku soo koreen qaar badan oo ka mid ah madaxda maanta, in marka qof loo magacaabo wasaarad daqli fiican leh uu wasiirku digto xaflad loogu dabaal degayo jagada loo dhiibay. Sababta loogu dabaal degayana aysan aheyn inuu wax soo kordhiyo, balse ay aheyd inuu wax dhunsado.

Cashirada noocaas ah oo ay dhalintu ka barteen bulshadii ay ku dhex noolaayeen markii wadanku dowladda lahaa, iyo intii ka danbeysaba, waxey dhalisay arinta caanka ah ee la yiraahdo ka cadeyso. Taas oo keentay in la waayo qof u damqada danyarta Soomaaliyeed meel kasta oo ay Soomaaliya uga nool yihiinba.

Waxaa kaloo aad u badanaaya in qofka dhalinyarada ah uusanba u heysan in horumarka wadankaan uu isaga xil ka saaran yahay. Waxa uu mar kasta u maleynayaa inuu jiro qof kale oo arintaas laga sugaayo. Waxaad u maleysaa in isaga laga qaaday masuuliyadaas lana yiri adiga wax xila ah kaama saarna ee danahaada qabso koley dadbaa wadankaan wax ka qaban doono. Waxeyna taasi na dhaxalsiisay mida aan maanta ku jirno oo ah mid aan loo sii dhulqaadan karin.

Sidee marka loo heli karaa loona barbaarin karaa wadaniyiin Soomaaliyeed oo dalkaan iyo dadkaan u damqada? Waxaa hubanti ah in ay waqti badan u baahan tahay in la helo tiro aad u badan oo isku si uga fikira dhibaatooyinka heysta Soomaalida meel kasta oo ay ku nool yihiin. Waxaase fudud oo la gaari karaa in la bilaabo qaabab kor loogu qaadaayo wacyiga dhalinyarada Soomaaliyeed loona tusaayo iney iyagu yihiin laf dhabarka ummadda Soomaaliyeed haddii ay iyagu wax u qaban waayaan dalkoodana aysan jirin qof kale oo wax u qabanaayo.

Waxaana ugu horeeya in si toos looga hortago qulqulka lagu sii gulgulayo wadamada shisheeye iyada oo aysan jirin wax hadaf ah ee loogu socdo. Waxaad u maleysaa dhamaan dhalintii Soomaaliyeed iney noqdeen mid qurba jooga iyo mid maanta u diyaar ah inuu tago. Waxaa lagama maarmaan ah in khaasatan dhalinta aqoonyahanadda ah ee ka soo qalin jebiya wadamada dibada si toos ah loogu celiyo magaalidii ay ka yimaadeen si ay uga qeyb qaataan kor u qaadidda aqoonta iyo fahamka dadkii ay ka yimaadeen haddii kale waxaa yaraaneysa sidii loo dhisi lahaa dad wax fahma isna fahma.

Akhristow, wadaniga aan raadineyno waa adiga iyo saaxiibkaa, wax aadan adigu qabaninna ma qabsoomayaan. Marka waa inaadan cid kale ku haleynin wadankaada oo aad si toos ah aad ugu istaagto una raadiso dad ama dhalinyaro kaala shaqeysa sidii aad qeyb uga qaadan laheyd badbaadada dalkaada iyo dadkaada.

Waxaan qoraalkaan ku soo xirayaa, wax kasta oo loo istaago, loona kaashado ilaahey waa ay suurta galaan. Waxaadse moodaa in xilliga aan maanta ku jirno ay soo cadaanayaan wax badan oo dhalinta badankooda ka qarsoonaa. Waxaan u maleynayaa in dhalinta Soomaaliyeed aysan ka liidan kuwii xornimada keenay oo ay u istaagaan sidii ay dalkooda ugu soo dabaali lahaayeen nidaam iyo kal danbeyn ulana jaan qaadi lahaayeen dhalinta asaagooda ah ee ku nool dunida dacaladooda iyaga oo aanan u kala ordeynin iney meel hebel qaxooti ka noqdaan, balse u tartamaya iney yeeshaan dal qiimo badan oo dunida laga qadariyo.

Abdihakin A. Asir

mogadisho69@gmail.com

Xalka abaaruhu ma deeqbaa!!!!!!!!!

WQ: Abdihakin A. Asir

Waxaa la wada qiri karaa in qof baahani uusan quud ma ahane uusan wax kale ku qanceynin, waana wax la wada fahmi karo oo aan dood badan laga geli karin. Balse waxaa lagama maarmaan ah in la is weydiiyo in mustaqbalka dheer ay deeguhu xal u yihiin dhibaatada abaaruhu keeneen ee sida weyn looga dareemey goboladda Koofureed ee dalka Soomaaliya.

Akhriste, ha ila yaabin markaan su’aashaan aan isweydiinaayo oo aan weliba rabo inaad adiguna aad ila aragto si aan si fayow aan u ogaanno waxa laga yaabo in aysan mustaqbalka wax qiima ah u lahaan doonin danaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed balse, maanta naloo tusayo in innaga ( Soomaalida) na loogu gurmanayo.

Waxaa marag ma doonta ah, in dhibka abaaruhu keeneyn uu yahay mid ballaaran oo aan si fudud aanan wax looga qaban karin oo u baahan iskaashi ballaaran oo dhinacyo badan ka yimaada, kaa soon ku ekeyn raashin karin balse ay la cosdaan wax keeni kara in dadkaani helaan qaab ay noloshooda u maareeyaan.

Waxaa idaacadaha waa weyn ee dalalka reer galbeedka maalmahaan ku badnaa sawirada ilmaha Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku habsatay, oo ay ka muuqato rafaad aan la soo koobi karin, ee ku jira xerooyinka dalalka u dhodhow dalka Soomaaliya. Kuwaas oo dadka u dhashay wadamadaas looga codsanayo iney dadkaan la gaaraan gargaar deg deg ah, oo ay dalbanayaan heyado aan dowli aheyn oo iyagu raba iney lacagtaas dadkaan wax ugu qabtaan, waa sida ay sheegtaane.

Haddii aad si u fiiriso waxaa laga yaabaa inaad is tiraahdo, wey dadaaleen oo waxa ay ka naxeen sida aan u naalo sidaas darteed ayey u qabanayaan howshan ballaaran oo hayadahaani ay ka wadaan wadamadaan si ay ugu gargaaraan dadkeenna dhibaateysan. Balse aniga taas ma qabo oo waxaan akhristaha sida aan sheegay aaminsan aan uga duwanahay, dhibka Soomaaliya ma ahan mid maanta bilawday haddii ay heyadahaan ama dowladaha ay heyadahaani ka soo jeedaan ay daneynayaa arrimaha Soomaaliya horey ayey wax uga qaban lahaayeen oo weliba la islama gaareen in ay macluushu ay heerka ay hadda joogto ay gaarto.

Sababta ugu weyn oo ay u sameynayaan ololaha ay hadda wadaan waa in magaca Soomaaliyeed iyo ilmaha baahan lagu helo lacag weyn oo aysan jirin cid xisaabtankeeda daba taagan waxaanaba laga yaabaa lacagta ay ku aruuriyaan wejiyada ilmaha yar yar ee Soomaaliyeed iyo hooyooyinka dhimanaaya ineysan wax kaba soo gaarin.

Waxaan anigu u heystaa heyadaha iyo dowladaha sheeganaya in ay lacag u uruurinayaan Soomaalida dhibaateysan ineysan aheyn kuwo runta ka sheegaya waxa ay og yihiin, ee ah halka dhibka Soomaalidu ka socdo oo waxaan ay aruurinayaan ay tahay oo kaliya, subagii afka la isu marin jiray iyada oo aysan jirin wax aad cuntay. Taas waxa aan ula jeedaa dhibka soomaalida heystaa waa uu ka weyn yahay tan maanta na hortaalla, haddii aan wixii kalifay in Soomaalidu abaaraha wax ka qaban weydo, aan wax laga qaban, lacag yar oo maanta la keeno oo raashin loogu sameeyo ma noqon doonto xalka dhibaatada maanta heesta walaalaha Soomaaliyeed ee xerooyinka ku jira.

Taasna waxaa daliil u ah, dad badan oo xerooyinka ku jira, waxa ay xerooyinkaas yimaadeen sagaashameeyadii markii aafadu asiibtay dalka Soomaaliyeed, welina halkoodii ayey joogaan iyaga oo wax iska bedelay aysan jirin. Dowladahaan iyo heyadaha hadda qeylinaayana weligood wey ogaayeen xaaladaha murugsan ee ka jira xerooyinkaan, wax la taaban karana kama qabanin oo dadku guryo bac ka sameysan ayey weli ku jiraan, dhibaatooyin uusan jewigu keeninna wey la kulmaan maalin kasta cid wax ka qabatana ma jirto.

Waxaan arkaa dad badan oo Soomaaliya oo tirinaya inta milyan oo doolar oo uu wadan kasta uu u balan qaadan inuu ku bixinayo dhibka Soomaalida heysata. Waxaanse akhristow aan ognahay in balan qaad iyo dhiibidi ay kala duwan tahay. Hadana ay sii adag tahay in lacagtaas la gaarsiiyo dadkii magacoooda lagu soo qaaday.

Waxaase waxaas oo dan ka sii daran, heyadahaan iyo dowladahaani waxa ay ka dheregsan yihiin in waxaani yihiin qowda maqashii waxna ha u qaban, oo ay rabaan oo kaliya iney sheegaan iney gargaar bixiyeen, iyaga oo hadana og inuusan gargaarkaasi aheyn kii wax ka qabanaayay dhibaatada waxa kalifay.

Abaaraha ka sokow, dalkan waxa gaarsiiyay inuusan isku filnaan waa maamul la’aanta iyo qorsho la’aanta baahsan ee dalka ka jirtay laga soo bilaabo markii uu dalka burburay. Haddii uusan dalku helin dowlad tayo leh oo keenta nabad la isku haleyn karana dhibku waa uu sii jirayaa, qowlaysatada sheegta iney dalka iyo dadka caawiyaanna waa ay sii jirayaan oo iyagu marna dooni maayaan inuu dalkani cagahiisa isku taago, oo waxa ay halis ku tahay danahooda. Waxa ayna mar kasta ilaashanayaan waa dantooda ee ma aha danta dadka tabaaleysan.

Waxaa kaloo jira dad badan oo Soomaaliyeed, oo iyagu si niyad wanaag ah mar kasta raba iney dabkii soo holcaba ay biyo ku shubaan oo waxa ay mar kasta rabaan in waxa maanta jira kaliya xal loo helo iyaga oo aanan marnaba fiirin xaga uu dhibku ka soo bilawday waxa ayna maalin kasta isku deyeyaan iney demiyaan deb dhinaca kale laga shidayo.

Maanta waa abaaraha shalayna waxa ay aheyd, dadkii dagaalada ka soo qaxay, oo loo raadinaayay in loo helo meel ay seexdaan iyo wax ay cunaan iyada oo dalku uu barwaaqo yahay. Maxaa loo la’ yahay in Soomaalidu waqti iyo hanti ay ku bixiso sidii dalka uu u heli lahaa dowlad damaanad qaada dadka iyo dalka oo iyadu ka fikirta dhibaatooyinka colaaduhu iyo abaaruhu sababaan?

Maxaa Soomaalidu waqtiga ay ku bixinayaan dowlad goboleedyada iyo waxa aan qiimaha laheyn ay ugu bixi waayeen iney u ololeeyaan helitaan dowlad dhexe oo iyadu qorsheysa sidii dalkaan looga saari lahaa dhibaatooyinka soo noqnoqda oo ay dowlad la’aantu kaliftay?

Ma u maleynaayo in su’aalahaan si fudud jawaab loogu helo karo waxaase lagama maarmaan ah in aan is weydiino isna tusno in loo baahan yahay inaan si toos ah aan u cabirno halka uu dhibku naga heysto. Waxaan aaminsanahay in haddii ay dowladi jirto uu dalkaani awood u lee yahay inuu dadkiisa iyo dalkiisaba uu si toos ah u damaanad qaadi karo. Dhibaatada ugu weynna waxa ay naga heysataa innaga oo mar kasta daawada ka raadinna meel aysan naga jirin.

Guntii iyo gabagabdii, xalka abaaruhu ma aha deeq lacag ah iyo xarumo raashin oo la furo. Labadaase waxa ay wax ka taraan oo kaliya waxa hadda noo muuqda, ee waxba kama taraan waxa ka hor tegi kara in dhibaatadaani noqoto mid soo noqota. Xalka abaaraha iyo midka colaadeed intuba waxa ay ku jiraan in wadanka loo helo xal siyaasadeed oo noo hor kaca cadaalad iyo sinaan. Waxaa hubanti ah in taasi aysan ku imaan doonin rabitaan oo kaliya balse loo baahan yahay in ficil lagu daro, lalana yimaado sabar iyo dulqaad keena isfahan iyo istixgelin. Waana midaas mida dalka iyo dadkuba ay uga badbaadi karaan aafooyinka ay keenaan colaadaha iyo abaaruhuba.

Abdihakin A. Asir

mogadisho69@hotmail.com

Baaba’a dadka Soomaaliyeed dad bey shaqo u tahay.

 

WQ: abdihakin A. Asir

 

Waxaan aad iyo aad uga xumahay abaaraha ku habsaday dadka Soomaaliyeed oo ay weliba ku kaliftay iney ka haajiraan dalkooda una haajiraan dalal aysan garaneynin oo loogu balan qaaday iney ka heli doonaan wax caawiya oo gargaar u fidiya.

 

Waxaan aad u soo dhoweynayaa in dadka tabaaleysan si deg deg ah wax loo gaarsiiyo, oo weliba sida ugu dhaqsiyaha badan loogu geeyo gargaarka ay u baahan yihiin iyagoo degan guryahooda. Taas macnaheeduse ma aha inaan laga doodin waxa kalifay ineynu dhowr sano gudahood ay dhacaan abaaraha soo laablaabta ee Soomaaliya ku habsaday.

 

Waxaa marag ma doonta ah in abaaruhu, inkasta oo ay yihiin qadar alle, qeyb ka yihiin dhibaatooyinka baahsan oo ay kaliftay dowlad la’aantu. Waxaa uu dalku lahaa wasaarad qorsheeneyd oo qorsheysa wax uu wadanku u baahan yahay, oo weliba waxaa jiri jiray xarumo lagu keydiyo raashimaha, oo marka laga soo tago abaartii dhacay horaamihii todobaatameeyadii wey yareed abaar baaxadaan leh oo dalka ku habsata intii uu lahaa dowladda dhexe.

 

Waxaa soo noqnoqda abaaro ay kalifeed xasilooni darada ka jirta dalka khaasatan midda siyaasadeed oo dadlka iyo dalkaba u ogolaan weyday iney daboolaan baahidooda mar kastana ku qasbaaya iney kaalmo weydiistaan wadamo kaalmadoodu ay ku xiran tahay dhowr iyo boqol shuruudood.

 

Akhristow, waxaad moodaa iney isi soo tarayaan shaki ay dad badani horey u qabeen oo ku saabsan, sida ay run u tahay gargaarka ay dowladaha caalamku sheegaan iney Soomaaliya siinayaan. Waxaa dhorw jeer oo hore loo gudbiyay codsiyo ku saabsan in heyadaha caalamku (UN) ay ka howl galaan dhulka Soomaalida meel kasta oo ay raali ka yihiin una soo raraan xarumahooda gudaha Soomaaliya. Waxaana cad ilaa iyo hadda ineysan jirin heyad arintaas wax ka qabatay, oo waxa ay ku wada qanacsan yihiin iney hantida dadka masaakiinta magacooda lagu soo qaaday iney uga raaxeestaan meelo ay u arkaan iney ka helayaan waxa ay naftoodi u baahan tahay.

 

Waxaa kaloo jira markii ay dhibaatada abaaruhu dheceen oo ay weliba isi soo tareen baaba’a ay u geysanayaan ilmaha iyo dumarka Soomaaliyeed ee ku nool meelaha ay abaaruhu ku habsadeen, waxaa ay heyadaha isku sheega iney wax gargaaraan ay xarumo ka sameeyeen dalalka deriska Soomaaliya la ah, (Tarsan, Radio Muqdisho 10/07/2011) waxeyna si dadban u yiraahdeen haddii aad rabtaan inaan idin caawinno waa inaad soo haajirtaan oo aad ka soo tagtaan dhamaan wixii aad laheedeen iyo dhulkii aad ku nooleedeen. Su’aashu waxa ay tahay maxaa heyadahaan u diidaaya iney dadkaan ku caawiyaan meelaha ay degen yihiin?

 

Waxaan hubaa in waxa u diidaaya iney dadkaan ku caawiyaan dalka gudahiisa aysan aheyn ama aysan la xiriirin xagga nabad gelyadooda balse aysanba raalli ka aheyn iney dadkaan iyo dalkaan u qabtaan wax kor u qaadi kara nolosha dadka Soomaaliyeed. Waxaan aaminsanahay in haddii ay heyadahaani ay u soo guuraan dalka gudahiisa ay dad badani ka heli doonaan shaqooyin kala duwan, lacagaha ay helaanna waxey qey ka noqon doontaa dhaqaalaha wadanka soo gelaaya oo illaa iyo hadda ku dhisan oo kaliya lacagaha ay soo diraan dadka dibaha ku nool.


Si kastaba ha ahaatee ma cada waxyaabaha ku kalifaya heyadahaan iney u dhaqmaan sida foosha xun, oo ay weliba iyaga oo ku soo tuugsanaya magaca iyo sawiradda dadkan dhibaateysan hadana aysan wax la taaban karo aysan u qabaneynin.

 

Balse waa ineynu xasuusanno haddii aynu Soomaali nahay, in aaanan innagu aanan waxba u dhiiban heyadahaan oo ay waxqabashadoodu ay tahay mid iyaga ku xiran. Erayga biniaadannimadana ay tahay hadba sidii loo macneeyo oo ay qolo kastana ay ugu gargaarto cidii ay rabto.

 

Marka aad fiiriso waxyaabaha aynu kor uga soo hadalnay dhamaantood waxa ay ku tusaayaan in la gaaray waqtigii ay Soomaalidu isku tashan laheyd, dowladaha caalamkana tusi laheyd in dhibka Soomaalida heystaa uu yahay midka siyaasadda oo haddii ay kaas xal u helaanna ay fududahay iney wax kasta oo kale ay xal u helaan. Waxaa lagama maarmaan ah ineynu fahanno halka dhibka Soomaalidu salka ku hayo haddii kaas daawo loo helana, daawo loo heli doono dhibaatada Soomaaliya heysata oo dhan.

 

Waxaa badanaa la isku mashquuliyaa sidii debka hadda holcaya biyo loogu shubi lahaa si loo demiyo balse marna lama fiiriyo sidii looga hor tegi lahaa inuu dab kale bilawdo. Taas waxaan ula jeedaa sida aan isugu mashquulineyno waxa ay hadda indhaheynu qabtaan innaga oo aanan ka fikireynin waxa laga yaabo iney dhacaan haddii ay xaaladu sidaan sii ahaato.

 

Tusaale ahaan haddii ay dacdo in dad badani u guuraan xerooyinka laga sameeyay dowladaha deriska sida tan dhadhaab iyo kuwo cusub oo badan, sidee bey suurta gal u noqon kartaa in dadkaas dib loogu soo celiyo dalkooda, adiga oo aanan hilmaamin iney shaqo u yihiin heyadaha hadda ugu wacaya iney ka soo haajiraan dalkooda iyo dadkooda.

 

Xaaladu waa ay ka fog tahay sida aan u maleyneyno, runtiina waxa ay u baahan tahay taxadar fara badan. Waxaanse aamin sanahay in xalka dhibaatada Soomaalidu uu weli ku jiro gacanta Soomaalida balse ay iyagu weli taagan yihiin meeshii ay sanado ka hor taagnaayeen. Welina qaar badani ay dantooda ka dhex arkayaan dhibaatada dadka Soomaaliyeed ay ku nool yihiin ee garrsiisay dhaxalsiisayna dhibka iyo hoogga ay maanta ku jiraan.

 

Haddii uu dalku lee yahay dowlad culeys leh waxaa fududaan lahaa in la sameeyo heyad ka hor tagta abaaraha iyo aafooyinka ay cimiladu keento, sida dowladaha caalamka ka jira. Waxaa fududaan lahaa in la galo heshiisyo fududeeya in dadka guryahooda lagu gaarsiiyo caawinaadaha ay u baahan yihiin iyaga oo aanan tegen una safrin dal shisheeye. Waxaa sahlanaa lahaa gargaarka ay Soomaalidu dhexdeeda isu fidiso iyo weliba kan ummadaha Islaamku u fidiyaan. Maantase waxaa dhibka sii kordhinaya iyada oo aysan jirin qorshe ama qaab cilmiyeysan oo dadkaas wax lagu gaarsiin karo oo wleiba waxaa yar in la helo tirakoob dhab ah oo wax loogu qorsheeyo dadka ay dhibku heysato.

Waxaa lagama maarmaan ah iney dhalinta Soomaaliyeed ka fikiraan sidii dadka iyo dalka looga saari lahaa dhibka ballaaran oo ay ku jiraan oo aan ku ekeyn tan abaaraha, oo ay ugu weyn yihiin kuwa siyaasadda. Haddii aan xal loo helin buburka siyaasadeed ee dalka ka jira waxaan u maleynayaa in dhibaatooyinka hadda jira iyo kuwo cusubba ay si fudud ku soo noqnoqon doonaan.

 

Abdihakin A. Asir

mogadisho69@hotmail.com

Ma Baarlamaan Soomaaliyeedbaa mise Balaayo Soomaaliyeed.

Ma Baarlamaan Soomaaliyeedbaa mise Balaayo Soomaaliyeed.

WQ: Abdihakin A. Asir

Waxey aheyd maalmo ka hor markii baarlamaanka ku meel gaarka ah la horkeenay heshiiskii Kambala. Waxaa isla markiiba soo baxay in qaar badan oo iyaga ka mid ah ay aad uga soo horjeedaan. Maalin ka dib waxaa aqlabiyad aad u ballaaran lagu ansixiyay heshiiskii ay Soomaalida oo dhan ay ha soo horjeesteen, ugana mudaaharaadeen meel kasta oo ay caalamka uga nool yihiin.

Balse sidey ku dhacday in baarlamaanka maalinna uu buuq ka dhaco oo aad loogu kala duwanaado aragtiyada laga qabo heshiiskaan, dad badanna ayba u maleeyaan in uu baarlamaanku diidi doono heshiiskaas oo dhibkii ay Soomaalidu ka mudaaharaadaayeen uu halkaas ku dhamaado, hadana arintu uma dhicin sida dad badani ay filayeen. Maxaa habeenimadaas is bedelay? Miyaa mudanayaasha loo hanjabay, mise sida lawada sheego waxey danaha dadka iyo dalka dhaafsadeen labo shilin?

In kasta oo ay xubnaha baarlamaanka oo kaliya ay ka jawaabi karaan su’aalahaan hadana, ummadda Soomaaliyeed waa iney wax kala soo baxaan wixii ay arkeen ama ay maqleen maalmihii la soo dhaafay laga soo bilaabo maalintii heshiiskaas la hor keenay baarlamaanka ilaa maalintii sida lama filaanka aha ay u ansixiyeen.

Baarlamaanka maanta ansixiyay waxa ay Soomaaliyoo dhan ka soo horjeesteen, ma aha baarlamaan, ay soomaalidu u dooratay iney howshaas ay qabtaan. Ansixinta ay ansixiyeen heshiiskaasna waxa uu marqaati cad u yahay sida aysan diyaar ugu aheyn iney ka fikiraan danaha dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Aanse dib u fiirinee xaggee baarlamaankani nooga yimid? Yaa noo dooray, yaase noogu dhiibay waxa uusan aqoonta iyo awooda uusan u laheyn?

Waxaad u maleysaa inaan si fudud aan u hilmaanno meesha dhibku nooga yimid. Baarlamaankani waxa uu salka ku hayaa dadkii ay soo doorteen qabqablayaashii sida foosha xun ugu tagri fali jiray dadka Soomaaliyeed. Dhammaan qabqablayaashiina weli wey ka dhex muuqdaan, waxeyna weli fuliyaan danihii dadkii ay u shaqeyn jireen markey dadka cadaabi jireen. Qeyb ka mid ahna waa kuwii ansixiyay in ciidamada Itoobiya ay soo galaan dalka Soomaaliya, markii ay awoodi waayeen, iney isfahan daradadii iyaga iyo maxkamadaha u dhexeeyay, ay ku xaliyaan qaab siyaasadeed.

Qeybta kale ee baarlamaanka waa qeybtii sida weyn loogu hamiga weynaa, oo waa qeybtii ka timid burburkii maxkamadaha, kuwaasoo ay shariifyadu gacantooda ku soo xusheen. Maadaama ay dhamaantood ay sidaas ku yimaaadeen, kuna noqdeen xubno baarlamaan rabaanna inta noloshooda ka dhiman iney sidaas kusii joogaan, ma aha wax lala yaabo iney wax kasta ay ka hormariyaan danahooda shaqsiga ah.

Maadaama ay mudanayaal ku sheegu ay sida aan aragnay ayba ku yimaadeen ugana mid noqdeen baarlamaanka (waaba haddii baarlamaan lagu magacaabi karee) sida aan tilmaanay, waa cadahay in dhamaantood aysan u madax banaaneyn sida ay codkooda ka yeelaayaan. Waana taas mida la yaabka keentay. Waayo maalintii ka horeysay maalinta la ansixiyay heshiiskaas waxaa dad badani u qaateen in heshiiskaas la diidi doono oo uusan baarlamaanku ansixin doonin. Waxeyse taasi noqotay mid riyo ah, oo waxey u dhaqmeen sidii in gacmahooda meel kale laga hago oo waaba in ku dhowaad dhamaantood ayba u codeeyeen in la ansixiyo heshiiskaas.

Maadaama baarlamaankani uusan aheyn mid ka shaqqeeya danaha dadka Soomaaliyeed ma waxaan raali ka ahaanaa inuu sii joogo, mase jiraan wax aan ka sameyn karno, si aan u yareyno dhibaata hor leh oo uu noo horseedo?

Waxaan marka ugu horeeya aan rabaa inaan u soo jeediyo xildhibaanada diiday heshiiskaan oo runtii lagu magacaabi karo wadaniyiin dhab ah, oo lagu qiyaasay iney dhamaayeen dhowr iyo soddon, iney si wada jir ah ay isaga casilaan xilkaan foosha xun oo ay hayaan, maadaama meesha ay joogaan aysan joogin wadaniyiin sidooda oo kale ah. Waxaana u soo jeedinayaa ineysan is casilin oo kaliya balse ay isu diyaariyaan sidii ay dalka uga saari lahaayeen xaaladaan murugsan iyagoo kaashanaya ummadda Soomaaliyeed ee sida dhabta ah u dooneysa inuu dalkooda isbedel ka dhasho.

Si loogu helo xal waara dhibaatada ay dhaliyeen, xil ma gartayaasha baarlamaanka jooga oo sidey rabaan ka yeelaya mustaqbalka dhalinta soomaaliyeed, waa in wax laga bedelaa qaabka loo xulayo xubnaha baarlamaanka, marka ugu horeysa ee fursad loo helo. Waana ineynaan raali ka noqonin in mar danbe waxmagarato na loo soo dhega qabto inaga oo aanan raali ka aheyn, waana in la dhisaa qaab loola xisaabtamo oo qofkii qaldamaa laga abaalmariyo waxa uu geystay.

In kastoo laga dheregsan yahay sida ay Soomaalidu uga soo horjeedo heshiiskaan iyo isbedelka uu ku keenay howlihii ay dowladdii hore ay waday, hadana waa inaan si wada jir ah aan horey ugu soconnaa oo aanan gadaal la fiirinin, la iskuna dayaa in ciriiriga jira iyo dhibka lagu jiro laga soo saaro fursado u cuntama ummadda Soomaaliyeed. Howsha ugu ballaaranna waxaa laga sugayaa raisulwasaaraha cusub, kaasoo balan qaaday ineysan wax badan iska bedeli doonin siyaasaddii dowladdii hore. Inkastoo durba la arki karo waxyaabo badan oo aan dowladii hore aan lagu arkin, aadna u maleyneyso in raisul wasaaraha cusub uu yahay nin awoodi la inuu go’aan gaaro si uu u dhiso dowlad cusub ama ugu adkeysto dowladda hadda jirta.

Guntii iyo gabagabadii, waxaanan la dhayalsan karin dhibaatada ay xildhibaan ku sheegu ay u horseedeen ummadda Soomaaliyeed markii ay ogolaadeen hehsiiskaas. Dhibka ugu weynse waa iney iyagu halkaas sii joogayaan, oo ay sii ahaadaan xildhibaanno. Wadada kaliya ee u furan ummadda Soomaaliyeed waa iney raadiyaan qaab kasta oo looga takhalusi karo kuwaan iyo kuwa ku shaqeysta. Sida kaliya ee lagu gaari karo taasna waa in fursad loo siiyaa xisbiyada wadaniyiinta sida Hanoolaato iney ka qeyb qaataan baarlamaanka dalka noqdaanna kuwa metela danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Abdihakin A. Asir

Mogadisho69@hotmail.com