Madax Dalkaada dayuurad ku timid Dal kuuma Dhisayaan.

WQ: Abdihakin A. Asir

Dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira ma aha kuwo u baahan in waqti badan looga qaado qof Soomaali ah waayo waa kuwo uu maalin kasta maqlo kana war haayo. Balse waxaa maal mahaan dhegeheyna ku soo badanaayay booqashooyin ay madax sare oo caalamka ka tirsan ay Soomaaliya ku tegaayeen iyagoo weliba wata ciidamadooda si aysan nafsadoodu halis u gelin oo ay uga badbaadaan masiibada dalkaan ku habsatay iyaga naftirkooda, welibana ay la socdaan qaarkood xaasaskooda iyo ilmahooda. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Shirka dowladu shaacisay, maxey uga gol leedahay?

WQ: Abdihakin A. Asir

Tobankii bishan ayey aheyd markii afayeenka dowladda uu sheegay in dowladda ku meel gaarka ahi ay qaban qaabineyso shir wadatashi oo ay ka qeyb geli doonaan qeybaha bulshada, iyada oo aysan la soconin wax faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan qaabka iyo sida shirkaan loo qaban doono. Waxaan isku dayey inaan helo warar dheeri ah oo ku saabsan sida la rabo inuu shirkaani u hirgalo iyo ujeedada laga lee yahay oo loo soo abaabulay, waanse ku guuleysan waayay, waxaanse rabaa inaad akhristow aad ila fiiriso waxa uu shirkaani uga duwanaan doono wixii horey u soo dhacay. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Guuritaanka ay alshabaab guureen, maxey ku soo kordhin doontaa magaalada Muqdisho?

WQ: Abdihakin A. Asir

In kasta oo ay aad u adag tahay ka faaleynta arimaha iyo waxyaabaha ka dhacaaya geyiga Soomaaliyeed qaasatan magaalada Muqdisho hadana waa lagama maarmaan in la fiiriyo oo weliba la isku dayo in si miisaaman looga faaloodo oo weliba laga yiraahdo wax dadka iyo dalkaba anfac u leh. Dheeho inta ka hartay qormadaan →