Shirka dowladu shaacisay, maxey uga gol leedahay?

WQ: Abdihakin A. Asir

Tobankii bishan ayey aheyd markii afayeenka dowladda uu sheegay in dowladda ku meel gaarka ahi ay qaban qaabineyso shir wadatashi oo ay ka qeyb geli doonaan qeybaha bulshada, iyada oo aysan la soconin wax faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan qaabka iyo sida shirkaan loo qaban doono. Waxaan isku dayey inaan helo warar dheeri ah oo ku saabsan sida la rabo inuu shirkaani u hirgalo iyo ujeedada laga lee yahay oo loo soo abaabulay, waanse ku guuleysan waayay, waxaanse rabaa inaad akhristow aad ila fiiriso waxa uu shirkaani uga duwanaan doono wixii horey u soo dhacay. Dheeho inta ka hartay qormadaan →