Codka Dhalinta Soomaaliyeed.

Dawlad Goboleedyada iyo Dhalinta Maanta.


W/Q:Abdihakin A. Asir

Waxaa wax lagu farxo ah in dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ay si cad uga horyimaadeen qaababka guracan oo uu gumeystaha cusub ula doonayo inuu dhibaatooyin hor leh uga abuuro dhulka Soomaaliyeed, Markey cod ballaaran ku sheegeen, sida ay uga soo horjeedaan dhismayaasha dhowlad goboleedyada aan nuxurka iyo horumarka ku dhisneyn ee u adeegaya cadowga dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Xisbiyada Siyaasada ee soo badanaya ma faa’iidaa mise?

W/Q: Abdihakin A. Asir

Waxaa laga yaabaa marka aad maqasho magacaabidda xisbi cusub inaad isla markiiba aad istiraahdo kuwii hore ayaa wax qaban la’ ee maxaa kuwo kale laga magcaabayaa. Runtiina waa su’aal meesha ku jirta oo runtii u baahan in jawaan loo helo.

Waxaa laga yaabaa in dad badani ay u arkaan siyaabo kala duwan oo runtiina muhiimadooda leh loona baahan yahay in la siiyo xushmad firkadahaas iska soo horjeeda oo qofiba si u akro, balse marka aan anigu isweydiiyo su’aashaas waxaan u maleynayaa in ay wax aan horay uga jirin hadallada siyaasadda dalka inay ku soo kordhinayaan, faa’iidana u yeelan doonaan dad badan oo aan maanta cod laheyn haddii loo ogolaado iney codkooda dhiibtaan. Dheeho inta ka hartay qormadaan →