Wadaninimadu ma wax loo dhashaa mise waa wax la isku barbaariyo?

WQ: Abdihakin A. Asir

somali flagWaxaa in badan la is weydiiyaa marka laga hadlayo arrimaha Soomaaliya, meeshii ay ka baxeen wadaniyiintii Soomaaliyeed ee wadankaan dhibka iyo rafaadka ka saari lahaa. Waxaase iga su’aal ah, wadaninimadu ma wax loo dhashaa mise waa wax la isku barbaariyo?

Sida ay dad badan oo Soomaaliyeed oo qurbaha ku nool ay ka warqabaan, meel kasta oo ay ku nool yihiin ilmahooda waxaa la baraa, oo iskuulada loogu soo dhigaa geesiyiintii wadamaas u soo halgamay oo gaarsiiyay heerka ay maanta joogaan. Ha ahaadaan kuwo siyaasiyiin ahaa oo wadmadaas maamuli jiray amaba kuwo cilmi iyo aqoon ku soo kordhiyay wadamadaas. Waxaana jira maalmo si gooni ah loo xuso si loo tuso dhalinta soo koreysa qiimaha iyo ahmiyyadda ay maalintaasi wadankaas u lee dahay, iyo weliba sida ay waajibka u tahay qadarinta maalintaas. Dheeho inta ka hartay qormadaan →