Ma laga hortegi karaa in Saxiixayaasha iyo Taliyahoodu (Mahiga) ay soo xulaan Mudanayaalka Baarlamaanka soo Socda?

W/Q Abdihakin A. Asir

Waxaa maalintii Arbacada oo bisha todobaadi aheyd 25ka ka furmay shir la yiri waxaa lagu ansixin doonaa, dastuur la sheegay inuu lama taabtaan yahay oo wax kasta oo ku qorani ay yihiin kugu lagu qasban yahay in lagu qaato siday yihiin. Dastuurkaas oo doodo badan horay u dhaliyay ayaana marnaba deg loo dhigin la iskuna deyin in la fiirsho waxa ay bulshada Soomaaliyeed iyo waxgaradkoodu ay ka tabanayaan ee ku jira qabyo qoraalka. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

MAS’UUL MAXAAD LA MASHQUULSAN TAHAY?

W/Q; Suleymaan Sh Ismaaciil(Paracetamol)

Bilooyinkii ugu dambeeyey waxaa la hadal haayey maalinta ay 20 OGOSTO ku began tahay waxaana bilaamay xusulduub loogu jira maxadtinimada dalka oo cid kastaa ay isu aragto in ay mudan tahay intaa waxii ka dambeeyey Mas’uul kasta waa mashquulsanaa  fursadna kuuma helaayo xataa teleefoonka  kaama qabanaayo habeen & maalin   tallow maxaa helay mas’uulka .
Mas’uulow maxaad la mashquulsan tahay? Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Xulitaankii Baarlamaanaddii ay Soomaaliya soo yeelatay sidey ku yimaadeen? Maxuuse uga bedelnaan karaa kan hadda la soo wado?

W/Q: Abdihakin A. Asir

Baarlamaanku waxa uu ka qeyb ka yahay sedex awoodood oo maamuladda casriga ahi ay isku dheeli tiraan si aanan qofi ama kooxi aysan kali talis ugu noqonin dal, baarlamaankuna waa midka ugu muhiimsan sedexdaas awoodood, waayo waa midka loogu talo galay inuu ilaaliyo danta dalka kana difaaco si xun u fasirashada qaanuunadda dalku lee yahay. Labada awoodood oo kalena waa midda dowladda iyo Garsoorka ( ma aha midda madaxweynaha oo aan horey qalad ugu daray). Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Xafladdii Sanad guuradii 52aad ee ka soo wareegtay markii ay Soomaaliya iska xoreysay gumaystihii dalkeeda ku soo duulay, oo lagu qabtay magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska.

Wadada kaliya ee Qaranka Soomaaliyeed u Furan Ma FEDERALBAA? Yeyse Dani ugu Jirtaa!!!!!!

W/Q: Abdihakin A. Asir

Waxaa laga yaabaa in qofba uu macno u lee yahay erayga Federaalka oo aan weli loo heynin eray Soomaali ah sida ka muuqata Dastuur ku sheega ummadda lagu qasbaayo, eraygaas oo aad halis ugu jirto inaad bog kasta oo dastuur ku sheega ka mid ah aad ku aragto isagoo qaabka ingriis soomaali ku qoran. Ee si aan isula fahanno erayga federaalka maxaa loo yaqaan ama uu macnihiisu yahay? Waa kanaa jawaabta aan helay. “pertaining to or of the nature of a union of states under a central government distinct from the individual governments of the separate states: the federal government of the U.S.” ( http://dictionary.reference.com/browse/federal) [Accessed 29/06/2012] oo lagu macnayn karo isu tag dowlado oo ay isugu tageen dowlad dhexe oo ka duwan dowladahoodii gaarka ahaa sida dowladda federaalka ah ee Maraykanka.(raali ka ahaada Luqadda Ingiriiska) Dheeho inta ka hartay qormadaan →