Wadada kaliya ee Qaranka Soomaaliyeed u Furan Ma FEDERALBAA? Yeyse Dani ugu Jirtaa!!!!!!

W/Q: Abdihakin A. Asir

Waxaa laga yaabaa in qofba uu macno u lee yahay erayga Federaalka oo aan weli loo heynin eray Soomaali ah sida ka muuqata Dastuur ku sheega ummadda lagu qasbaayo, eraygaas oo aad halis ugu jirto inaad bog kasta oo dastuur ku sheega ka mid ah aad ku aragto isagoo qaabka ingriis soomaali ku qoran. Ee si aan isula fahanno erayga federaalka maxaa loo yaqaan ama uu macnihiisu yahay? Waa kanaa jawaabta aan helay. “pertaining to or of the nature of a union of states under a central government distinct from the individual governments of the separate states: the federal government of the U.S.” ( http://dictionary.reference.com/browse/federal) [Accessed 29/06/2012] oo lagu macnayn karo isu tag dowlado oo ay isugu tageen dowlad dhexe oo ka duwan dowladahoodii gaarka ahaa sida dowladda federaalka ah ee Maraykanka.(raali ka ahaada Luqadda Ingiriiska) Dheeho inta ka hartay qormadaan →