Mudane Ilaalinta Af-Soomaaliga ayaa “Qab Qaranka” ka mid ah.

W/Q: Cabdixakin C. Casir

Waxaa laga yaabaa in ciwaanka maqaalkani uusan si toos ah kuugu cadeyn akhristow balse waxa uu daba joogaa, qoraal aan sanad ka hor qoray oo aan uga hadlay hoos u dhaca ku yimid luqadda Af-Soomaaliga iyo weliba sida ay luqadda Ingiriisku ay uga dheerayso luqaddeenna marka la joogo dalka Soomaaliya gudahiisa.

Maqaalkaas oo ahaa mid aad u dheer oo aad weliba ka akhrisan karto halkaan: https://codkashacabka.wordpress.com/2012/06/24/luqadda-ingiriiska-oo-af-soomaaliga-kaga-dheereysay-dalka-soomaaliya-gudahiisa/, ayaa waxaan tusaale u soo qaatay oo aad maqaalkaanna aad ku akri doontaan sawirada badanaa lagu xardho qolalka waaweyn ee shirarka lagu qabto marka ay heyadaha dalka joogaahi ay sameynayaan waxa ay ugu yeeraan tababarrada, waxaase taas ka sii daran marka madaxda dalka ugu saraysa ay iyagoo la hadlaaya ummadda Soomaaliyeed ay ku celceliyaan erayo aan Soomaali aheyn oo laga yaabo inta badan ummadda Soomaaliyeed oo ay la hadlayaan inaysanba garan. Dheeho inta ka hartay qormadaan →