Ma shaqeyn kartaa dowlad Miisaaniyadeedu ay ku dhisan tahay gargaar dibadda uga yimaada? Mase u danayn kartaa danaha dadkeeda?

W/Q: Cabdixakiin Cali Casir.

Waxaa hubanti ah loona baahan yahay inaynu wada qirno in qof wax heybsanaya uusan kala doorasho laheyn oo wixii loo soo taago uu ku qasban yahay inuu isku qanciyo, waxaana taas la mid ah dowladaha aanan iyagu ku filnayn soo saarashada dakhliga sanadlaha ah ama keeda loogu tala galay mashaariic qarameedka lagu houmarinayo mustaqbalka danaha dalkeeda.

Sidaas marka aan lee yahay, waxaa laga yaabaa akhristow inaad u akhrisato inaan eedayn iyo wax la mid ah aan u soo jeedinayo dowladda maanta ka jirta dalkeenna, balse haddii aad sii akhriso maqaalka waxaad arki doontaa in ay xaajadu sidaas ka duwan tahay oo weliba masuuliyadaasi ama su’aashaasi ay ka weyn tahay dowladda oo ay dusha uga dhacayso dhamaan wax garadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka uga nool yihiin. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Posted in Maqaallo. Tilmaamayaal: . 2 Comments »