Kuwii I Dayacay ma I Dayac Tiri Doonaan!

W/Q: Cabdixakin C. Casir

Dayacaygu, waxa uu bilawday muddo aad u fog, oo runtii in muddo ahba waxaa la ii yaqaanay meel laga qaxo oo kaliya oo aan wax nolol ah aanba laga raadin karin, iyadoo illaa iyo hadda aan garan la’ ahay meel adduunka i dhaanta oo nafta bini’aadanka u roon. Waxaan ahay meel aan qabow iyo kuleyl midna aanan looga sheegan, oo waxaan lee yahay cimilo sanadka oo dhan aan dhibsasho laheyn. Waxaan lee yahay nolol ka doorasho mudan oo qofiba wixii uu doono uu nolol ka raadsan karo, oo berri iyo bad, beer iyo xoolo, magaalo iyo miyiba midna wax la iigama waayo. Waxaase la igu saliday kuwo aanan arkin miraha faraqooda ku jira oo mar kasta u hanqaltaaga kuwa geedka saaran. Dheeho inta ka hartay qormadaan →