BAARLAMAANOW BISINKA U QABTA MOOSHINKA.!

 

 

W/Q; Suleymaan Sh. Ismaaciil (paracetamol)

Dalka soomaaliya mudo dheer ayuu qas&qalaan qal qiimahii uu lahaa ku waayey taana waxaa garwadeyn ka ahaa qabyaalad, quursi oo qori ku lamaansanaa waxaana jilayaal ka ahaa qab qablayaal in kastoo wali nagu lamaansan yahay qorigii, waji kasta ha lahaadee intaa ka dib waxaa loo dhaqaaqay dowlad in la unko, dowlad kmg ah ayaa Jabuuti lagu yagleelay waxaa ku xigtay dowlad kale Inbigaati lagu soo dhisay mar kale ayaa dib loo milicsaday Jabuuti labo sano ayaa haysataa ayaa loo sheegay madaxdii xiligaas majaraha u haysay inkasta oo mar dambe hal sano loogu kordhiyey sababtuna waxaa looga golahaa in laga saaro dalka kumeel gaarnimada sanadkaasna waxaa loo bixiyey roud-map, intaan aan soo sheegay waa sheeko aad shaahid&sheeko aad ku haysaan. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

AF,QALAAD AQOONTU MIYAA?

 

 

W/Q:Sulaymaan Sh. Ismaaciil (Paracetamol)

Qolo walba waxa ay leedahay luuqad u gaar ah oo looga garto dunida inteeda kale taana waa astaan bulshadeedka lagu yaqaano dal kasta, hadaba haddii aynu nahay soomaali waxaan lee nahay luuqad inoo gaar ah oo la yiraado af-soomaali waana mid aan kaga tilmaamanahay umadaha kale waxaana ku hadlayney luuqadaan boqolaal kun oo sano ka hor waxaase inoo duwaan gashan in farta soomaaliga la qoray 1972Kii oo la ogaa dhibka laga soo maray juhdigii lagaliyey si ay dadka u bartaana waxaa la adeegsay xeelado ay ka mid ahaayeen cidii aan fori Karin farta soomaaliga in uu xafiis ka shayneynin shahaado kasta uu wato. Dhiiranaanshaha in aad shaqo heshaana aad ayey u yarayd amaba ma jirinba haddii aadan aqoon u lahayn qorista farta taa waxaa ay ahayd magaalada, miyigana waxaa la geliyay dadaal intaa ka xoogan dad ayaa loo diray miyiga waxaana lagu amraayey in ay bartaan farta qoraalkeeda.

Dheeho inta ka hartay qormadaan →