Madaxaa Maraysee Meesha (wadada) ka Leexo!

ImageWaxaa hubanti ah in oraahdani aysan aheyn mid si gooni ah u qusaysa magaalo gooni ah oo Soomaaliya ku taala ayna badanaa  dhacaan ama la arko ficillo ka tarjumaaya oraahdaan, balse su’aasha ka imaanaysa waxa ay tahay: Yaa iyaga (Madaxda) gooni u siiyay wadada?

Waxaanan muran ka taagneyn inay jiraan nabad gelyo xumo keeni karta inay madaxdu u arkaan inaysan kala garanaynin qofkii dhibanaha ahaa iyo kii dhibka waday oo si ay dhibaato uga hortagaan ay isku dayayaan inay ka fogaadaan dadka oo dhan oo ay meel kasta oo ay tegayaan ay noqoto meel aan qof kasta loo ogolayn oo xattaa marka ay wadada marayaan la yiraahdo dadka shacabka ah “ meeshaan ha istaagin ee horay u soco” iyo waxyaabo badan oo la mid ah. Waxaa kaloon muran laheyn in wax badan oo ay sameynayaan ciidamada ama dadka la shaqeeya madaxda in madaxda naftirkoodu aysan raali ka aheyn, oo ay tahay ka badbadis. Dheeho inta ka hartay qormadaan →