Qorax jooga i sii oo ii dedeji aan howsha kuu dhameeyee!

Dekedda MuqdishoWaxaa laga yaabaa qaar badan oo ka tirsan akhristayaasha inuu ku cusub yahay erayga qorax jooga, waase eray ay wada fahmayaan dadka ay howluhu ka galaan xarumaha dowladda oo iyagu weydiista in loo qabto shaqo ay aheyd dadka shaqaalaha ahi inay qabtaan, waayo shaqadaas ayay mushaarka ku qaataan. Eraygani waa lacag i sii ama laaluush i sii oo la maldahay laakiin aan lagaala xishooneynin weydiintiisa, oo qofka shaqaalaha dowladda ahi umaba heysto inuu wax denbiya ah uuba galayo marka uu ku weydiinaayo qorax jooga. Taas macnaheeda ma aha inuu qof kasta oo dowladda u shaqeeyo uu sidaas yahay, balse waxaan rabaa inaan halkaan idiinkugu soo gudbiyo dhacdo iga yaabisay oo ku dhacday nin saaxiibkey ah oo isagu alaab kala soo degay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho. Dheeho inta ka hartay qormadaan →