Mudane Ra’isul wasaare, maamul u sameynta gobollada iyo sameyntii sharcigii ay ku shaqeyn lahaayeen keebaa horreeya?

Waxaan rabaa inaan marka hore ka mahadceliyo kulankii quruxda badnaa ee ka dhacay hotel Jaziira oo uu raisulwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed kaga jawaabayay su’aalihii dhalintii ka soo qeyb gashay shirkaas ay ku weydiinayeen, oo ay mahadi ha ka gartee ay soo qaban qaabisay heyadda Heritage. Runtii waxa uu ahaa kulan aad loogu baahnaa waxaana rajeyneynaa inuu soo noqnoqdo.

Haddii aan u soo noqdo dulucda maqaalkaan, waxaa shalay raisul wasaaraha la weydiiyay su’aal aan aad ula dhacay oo sida uu sheegay isagu ay weydiisay gabar Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay magaceeda Dahabo, jawaabteedana uu ka dhigay “ Waa sax wasaaraduhu uma shaqeeyaan si federal ah, waxaana wadnaa sharcigii arintaas wax looga qaban lahaa.” Hadaba su’aashu waxa ay tahay ma sharcigi ay ku shaqeyn lahaayeen gobolladu oo iyaga iyo dowladda federaalka kala xadidi lahaa ayey sax tahay in marka hore la sameeyo mise waa in marka hore la sameeyo maamul goboleedyo amaba la magacaabo guddoomiyaal gobol aanan garaneynin shuruucdii u dhaxeysay iyaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya? Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Wasaaradda Maaliyaddu Ma Federaalbaa mise Muqdisho kaliya ayey Wasaarad u tahay?(Xaqiiq badan Ogow)

Xigasho: Allbanaadir

Waxaa la yaab leh qaabka ay dowladda federaalka ahi ay maamullada dalka ka jira oo ah, kuwa ay dowladdu magacawday iyo kuwa iskood isu maamula ay u maamulayso iyada oo ay magaca ay wadato ay tahay wasaarad federal ah. Waxaan rabaa inaan si gooni ah aan maqaalkaan ugu fiirinno qaabka ay wasaaraada maaliyaddu uga shaqeyso dalka.

Waxeysan doodi ka taagneyn in dowladda nooca la isku qasbay oo aysan ummaddu dooran ay tahay dowlad federal ah oo weliba dastuurka ku meel gaarka ah ee la dhaqan geliyay 1dii bishii sideedaad ee 2012, qeexayo qaab dowladeedkaas, ayaan haddana laga doodeynin inay wax badan ka dhiman yihiin oo ay u baahan yihiin in wax laga qabto. Balse aan labo midkood isku raacno oo yaanan la isku qaldin. In dowladani tahay mid dhexe oo sidii maamulkii Siyaad Barre ku dhisan ama mid federal ah oo ka duwan kii Siyaad Barre. Haddii labada nooc maamul la isku qaldo waxaan soo baxaya waxaan ku aragnay magaalada muqdisho oo aan ka jirin magaalooyinka kale ee dalka. Dheeho inta ka hartay qormadaan →