Mudane Ra’isul wasaare, maamul u sameynta gobollada iyo sameyntii sharcigii ay ku shaqeyn lahaayeen keebaa horreeya?

Waxaan rabaa inaan marka hore ka mahadceliyo kulankii quruxda badnaa ee ka dhacay hotel Jaziira oo uu raisulwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed kaga jawaabayay su’aalihii dhalintii ka soo qeyb gashay shirkaas ay ku weydiinayeen, oo ay mahadi ha ka gartee ay soo qaban qaabisay heyadda Heritage. Runtii waxa uu ahaa kulan aad loogu baahnaa waxaana rajeyneynaa inuu soo noqnoqdo.

Haddii aan u soo noqdo dulucda maqaalkaan, waxaa shalay raisul wasaaraha la weydiiyay su’aal aan aad ula dhacay oo sida uu sheegay isagu ay weydiisay gabar Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay magaceeda Dahabo, jawaabteedana uu ka dhigay “ Waa sax wasaaraduhu uma shaqeeyaan si federal ah, waxaana wadnaa sharcigii arintaas wax looga qaban lahaa.” Hadaba su’aashu waxa ay tahay ma sharcigi ay ku shaqeyn lahaayeen gobolladu oo iyaga iyo dowladda federaalka kala xadidi lahaa ayey sax tahay in marka hore la sameeyo mise waa in marka hore la sameeyo maamul goboleedyo amaba la magacaabo guddoomiyaal gobol aanan garaneynin shuruucdii u dhaxeysay iyaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya? Dheeho inta ka hartay qormadaan →