Ujeedka Dawladdnimo: ma dhisid baa mise waa dhawrid?!

Dhaqanka soomaaliyeed oo ku dhisan reer guuraannimo waxa uu saameeyey dhinacyda nolosha oo idil, sida xasilloonida siyaasadeed, nidaamka dhaqan-dhaqaale ee bulshadu leedahay iyo gabi ahaanba falsafadda nololeed ee bulshadu soo kala dhaxleysay inta dadka ku abtirsada qowmiyadda Soomaaliyeed jiritaankeedu soo ifbaxay.

Nidaamkaas waxaa udub dhexaad looga dhigay howl maalmeedka nolosha, hadday noqon lahayd maareynta khilaafyada soo kala dhexgala beelaha ay ka koobantahay bulshadaas, sida qola walba u adeegsato awoodda wada xaajood ama gorgortan oo ku dhisan quwadda ay kala haystaan labada dhinca. Had iyo goorna waxaa xalka gundhig u ahaa in dhiig la daadiyo oo markaas ka dib xal la raadiyo. Dheeho inta ka hartay qormadaan →