Macallimka oo qiimo loo yeelo, ayaa qeyb weyn ka qaadan kara xasilloonida iyo horumarka dalka.

Waxaan ka qeyb galay xafladdii lagu xusaayay maalinta macallimiinta sanadka hadda dhamaaday ee 2014ka. Waxaa isu yimid macallimiin iyo maamulayaal iyo weliba madaxdii ugu sareysay wasaaradda waxbarashada federaalka, waxaana dhamaan la isku raacay dhibaatada heysata maccalimka Soomaaliyeed meel kasta oo uu Soomaaliya ka joogaba, waxaana qaasatan afka lagu dhuftay sida ay u tabaaleysan yihiin macallimiinta qeybta ka ah mashruuca Go to Schoolka, oo ay mushaar xumo iyo isagii oo soo daaho ay isugu darsantay.

Haddaba xaggee ayuu ka heystaa dibku macallimiinta? Miyeysan aheyd qeyb muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed oo in la ilaaliyo lana horumariyo u baahan? Ma la hilmaamay oraahdii Soomaaliyeed ee oran jirtay “macallimkaadu waa aabahaa oo kale” haddiise weli oraahdaas ay qiimo u sameyneyso ummadda Soomaaliyeed, maxaa keenay in macallinnimadu noqoto shaqada ugu liidata oo uu qabto qof aqoon leh? Dheeho inta ka hartay qormadaan →