Meel Marinta sharcigii xuquuqda ilmaha (UNCRC), muxuu ku soo kordhin doonaa xuquuqda ilmaha Soomaaliyeed?

Uncrc cambaign pictureHeshiiskaan caalamiga ah oo uu meel mariyay baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed 13/12/2014ka ayaa la filayaa inuu wax weyn ka bedeli doono sida ay madaxda dalku u arkaan xuquuqada ilmaha, iyadoo la og yahay inay jiraan duruufu adag oo ay ilmaha Soomaaliyeed ku nool yihiin oo wax ka qadab u baahan. Balse inta aanan heshiiskaan u guda gelin, Soomaaliya shuruuc dhowrta xuquuqda ilmaha ma lahaan jirtay?

Laga soo billaabo, dastuurkii 1960,1979, 2000 iyo ilaa kan ku meel gaarka ah sida ku cad qodobka 29aad, waxaa ku qoran xuquuq si gaar ah looga hadlayay oo ay lee yihiin ilmaha iyo dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaase taas ka horeeyay oo ka taariikh iyo fac dheer sida uu Islaamku u sugay xuquuqda ilmaha iyo sida ay waajibka u tahay ilaalinteeda, Akhri Halkaan: http://www.unicef.org/mena/Children_in_Islam_English.pdf  waxaase mar walba lagama maarmaan ah inaynu ogaanno in xuquuqdaas uu gaabis badan ka jiray kana jiro maanta. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Xalka kaliya ee haray, waa in Baarlamaanka la kala diro sida uu qabo qodobka 67aad ee dastuurka KMG ah.

baarlamaanka1Waxaa hubanti ah maalin kasta oo ay howshaan is jiidjiidadka ah sii socotaba, waxaa wax weyn ay ka qasaarayaan ummadda soomaaliyeed ee ka dhursugaaya wax ka qabadka duruufaha adag ee ay ummadda Soomaaliyeed maanta ku nool yihiin. Waxaa markii labaad dib loo celinayaa, dowladdii uu soo saaray ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid. Waxa uuna mar kasta, sida cad ra’isulwasaaruhu ka cabsanaa inuu waayo kalsoonida baarlamaanka, markaas ayuu maalmo dheeri ah weydiisanaa si uu dib u soo fiiriyo haddii uu xildhibaano badan ku qancin karo taageeridda wasiirada uu soo magacaabay. Waxeyse u eg tahay in waxa xildhibaanada ay ka fiirinayaan dowladda la soo gudbiyo mar kasta, inay tahay oo kaliya, inay iyaga ay ku jiraan iyo in kale, waa iga su’aale wax kasta ma xildhibaanadaa noqonaaya? Dheeho inta ka hartay qormadaan →