(Daawo Sawirada) Dood cilmiyeed ku saabsan U sinnaanta waxbarashada G/Banaadir oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Xigasho Codka Shacabka Soomaaliyeed

http://www.codkashacabka.so

IMG_9335Dood cilmiyeedkaan waxaa marti geliyay oo isku soo dubariday Wakaaladda Awoodsiinta Dhalinyarada Soomaaliyeed oo marka la soo gaabiyo loogu yeero (SOYEA), waxaana lagu casumay dhalinyarada dhigata jaamacadaha kala duwan ee ku yaalla G/Banaadir si ay uga qeyb qaataan dood cilmiyedkaan oo ujeedka ka danbeeya ay tahay in laga soo saaro qoraalo looga hadlayo sidii gobolka Banaadir looga heli lahaa waxbarasho loo siman yahay oo arday kasta oo degan gobolkaan ha ahaado mid waalidkiis awoodaan inay ka bixiyaan qarashaadka iskuulaadka gaarka loo lee yahay iyo midaan awoodinba. Waxaa kaloo sinaanta laga rabaa oo aan la dheyelsan Karin qeybaha kala duwan ee ay ardaydu ka kooban yihiin oo ay ku jiraan ardayda lixaadda la’ oo aad ugu yar waxbarashada gobolka Banaadir iyo waxbaridda Gabdhaha oo iyaguna u baahan in kor loo qaado. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Ugaas Muxuu yahay? Muxuu ahaan jiray? Maxaase haboon inuu noqdo?

Waxaa laga yaabaa inaan isku si loo aqoonin erayga ugaaska, laakiin macno ahaan waxaa loola jeedaa qofka ay reer kastaaba u duubtaan inuu noqdo madaxa dhaqanka reerka uu ka tirsan yahay, qabiilada qaarna waxa ay ugu yeeraan magacyo kala duwan sida: Malaaq, iimaan, boqor,duub,wabar iyo magacyo kale oo badan.

Baahida keentay in la helo qof ugaas ah waa in reer kasta ay yeeshaan maamul  iyaga u gaar ah oo ay arrimahooda uga tashtaan, kuna xallistaan waxyaabaha reerka ka dhexeeya oo ay ku xiran tahay horumarkooda. Waxaa kaloo uu yahay amaba uu qabtaa xiriirka qabiilada kale kala dhexeeya iyo weliba sidii qabiilka uu madaxda u yahay iyo qabiilada kale u wada noolaan lahaayeen oo haddii ay wax dhexmaraan, arrimahaas xal loogu heli lahaa loona yareyn lahaa is fahanwaaga dhex dhalan kara. Badanaana xilkaan waxaa loo dhibaa qof ka soo jeeda qoyskii horay xilkaan u hayay, loomana fiiriyo aqoon, waayo aragnimo iyo xil kasnimo dheeri ah. Dheeho inta ka hartay qormadaan →