(Daawo Sawirada) Dood cilmiyeed ku saabsan U sinnaanta waxbarashada G/Banaadir oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Xigasho Codka Shacabka Soomaaliyeed

http://www.codkashacabka.so

IMG_9335Dood cilmiyeedkaan waxaa marti geliyay oo isku soo dubariday Wakaaladda Awoodsiinta Dhalinyarada Soomaaliyeed oo marka la soo gaabiyo loogu yeero (SOYEA), waxaana lagu casumay dhalinyarada dhigata jaamacadaha kala duwan ee ku yaalla G/Banaadir si ay uga qeyb qaataan dood cilmiyedkaan oo ujeedka ka danbeeya ay tahay in laga soo saaro qoraalo looga hadlayo sidii gobolka Banaadir looga heli lahaa waxbarasho loo siman yahay oo arday kasta oo degan gobolkaan ha ahaado mid waalidkiis awoodaan inay ka bixiyaan qarashaadka iskuulaadka gaarka loo lee yahay iyo midaan awoodinba. Waxaa kaloo sinaanta laga rabaa oo aan la dheyelsan Karin qeybaha kala duwan ee ay ardaydu ka kooban yihiin oo ay ku jiraan ardayda lixaadda la’ oo aad ugu yar waxbarashada gobolka Banaadir iyo waxbaridda Gabdhaha oo iyaguna u baahan in kor loo qaado. Dheeho inta ka hartay qormadaan →