Doodo badan oo ay dhalisay 60 iyo dhowrka shaqaale oo uu Muungaab (Guddoomiyaha G/Banaadir) shaqada ka ceyriyay.

Xigasho: http://www.coskashacabka.so

Astaanta GobolkaWaxaan isku daynay inaan u kuur galno tirada intaas la eg ee hal mar shaqada laga ceyriyay waxa kallifay iyo weliba sida loo maamulay arintaas iyo haddii ay waafaqasan tahay sharciga uu Muungaab ku soo qoray warqadda uu saxiixay ee shaqada looga ceyrinayo shaqaalaha intaas la eg.

Waxaanse baaritaankeenna ka billownay, in arintani tahay mid uu Muungaab kaligii wato iyo in ay la og yihiin madaxda kale ee gobolka Banaadir. Waxaana warar lagu kalsoon yahay aan ku helnay inuusan xattaa ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyaada oo ay isaga tahay inay hoos yimaadaan xafiiska shaqaaleysiinta uusan xattaa ka warheynin, qaabka iyo sababta shaqaalaha intaan la eg shaqooyinka looga ceyriyay. Dheeho inta ka hartay qormadaan →