Wax akhris la’aanta ayey u badan tahay inuu sal u yahay, natiijooyinka hooseeya oo ay ilmuhu ka keenaan iskuulaadka.

Waxaa waalid badan oo qurbaha degan aad uga welweliya natiijooyinka hooseeya oo sida la wada tilmaamo ay keenaan ilmo badan oo iyagu waxbarashada halkan ku billaabay amaba iyagoo yar la keenay dalalka ay ku nool yihiin, waxaana rabaa inaan halkaan ku soo bandhigo qoraal yar oo aan ku eegayo waxa aan anigu arkay markaan su’aalo la dhex marmaray waalidiin badan oo iyagu ka cabanaya iskuulaadka oo uu walwal badan ka heysto hoos u dhaca waxbarashada iskuulaadka ay iyagu ilmahooda geeyaan.

Waxaanse rabaa inaan marka hore, sheego in iskuulaad badan oo ay ilmaheennu tagaan qaasatan magaalada aan ku noolahay ee Bristol, UK, inay hooseeyaan waxbarashada iskuulaadka bartamaha magaalada ku yaalla oo runtiina muddo badan laga cabanayay waxbarshada hooseysa ee iskuulaadkaas, waxaase iyana meesha ku jirta oo aan la dhayalsan Karin in ilmo badan oo dhigta iskuulaadkaas ay helaan natiijooyin fiican oo u saamixi kara inay waxbarshadooda hore u sii wataan, iyadoo la hubo in ardaydaasi heli lahaayeen natiijooyin ka sii fiican haddii ay joogi lahaayeen iskuulaadka magaalada qaarkood.

Marka laga hadlaayo waxyaabaha kor u qaada natiijooyinka ardaydu ay waxbarashada ka gaaraan, ma jiri karo wax boqolkiiba boqol si gooni ah raad ugu yeeeelan kara, waayo waxbadan oo isbiirsaday ayaa ardayga horumarka waxbarashadiisa qeyb ka qaata, oo weliba dadka qaar ay u badiyaan inuu yahay iskuulka ay ilmuhu aadaan iyo weliba sida ay tahay tayada waxbaridda macallimiinta iskuulkaas. Waxaase la deyelsan Karin oo iyada qeyb weyn ka qaadata waxbarashada ilmaha sida ardaygu uu u jecel yahay waxbarashada iyo weliba dhiiri gelinta waalidku ilmaha u sameeyo iyo weliba helitaanka uu ilmuhu helayo wax kasta oo ilmaha u ogolaan kara inuu si heer sare ah uu wax u barto.

Marka aynu ku noolnahay wadamada qurbaha meelo badan oo ka mid, waxeynu badanaa ku nool nahay meelaha ay degaan dadka nolosha hoose ku nool oo badanaa wey adag tahay in qof muhaajir ah oo qaxooti ah inuu dego meelaha dadka taajiriintaa ay degan yihiin qaasatan dalka Ingiriiska. Badanaana iskuulaadka meelahaas ku yaalla waxa ay u badan yihiin inay yihiin kuwo ay waxbarashadoodu hooseyso. Marka ilmuhu tago iskuul kaas oo kale oo uu waayo wax kale oo saacida oo dhameestira inta uu iskuulka ka soo barto, waxaa yaraanaya fursadihii uu ku gaari lahaa heerka waxbarasho ee laga rabo ilmaha da’diisa ah ee ku nool isla dalka uu ardaygu ku nool yahay, waana middaas midda aan rabo inaan xoogaa uga hadlo qoraalkan kooban.

Dad badan oo wax ka qora natiijooyinka ay ilmuhu ka keenaan waxbarashada ayaa aad uga hadla sida faqiirnimadu qeyb uga qaadato horumar la’aanta amaba hoos u dhaca ku yimaada waxbarashada ilmaha. Faqiirtimimadaas oo raad badan ku leh qaabka uu qoysku u nool yahay iyo weliba sida ay ilmahooda u daryeelaan, waxaadse moodaa in dhib badan oo aad u waxyeelleeya ilmaha Soomaalida oo u diidi kara inay waxbarashada heer sare ka gaaraan qaasatan midda illaa dugsi sare ah oo muuqda oo aniga oo Soomaali ah ii muuqda inuusan jirin oo aan qabo in aysan faqiirtinimda Soomaalida dulkaan degan aysan sabab u aheyn in ilmahooda waxbarashada natiijo badan ka keeni waayaan, waayo waxaa jira aarday badan oo iyagu iska iskuulkaas dhigta oo weliba isku si nool hadana heer sare ka gaara waxbarashada oo aan hal iyo laba toona aheyn. Xaggee farqida waxabarashadu hadaba ka yimaadaa?

Sidaan horay u sheegay waxbadan ayaa kala duwanaanshaha natiijooyinka radayda keena, balse waxaan anigu si gaar ah u fiiriyay, wax akhrinta iyo weliba qaabka aynu dad ahaan akhrinta u qiimeynu iyo weliba raadka ay ku yeelan karto waxbarashada ilmaheenna. Waxaan si dadban u weydiiyay waalidiin badan oo iyagu iga warsada sidii ilmahooda ay waxbarashada natiijo uga gaari lahaayeen. Waxaana weydiiyay, in ilmahoodu si joogto ah ay wax u akhriyaan iyo in kale. Qaar badan oo ka mid ah waxa ay ii sheegeen in ilmahoodu akhriyaan haddii iskuulku u soo diro. Waxaan weydiiyay oo kale ma jiraan akhris ka baxsan iskuulka waxa uu u soo diro. Badanaankoodu waxa ay iigu jawaabeen inaysan ilmahoodu sameynin. Haddaba sidee ayey u suurta gelaysaa in arday waxbarashada natiijooyin fiican ka keeno, haddiiba uusan akhrin amaba uusan jecleyn inuu wax akhriyo.

Teeda kale waxaa iyana meesha ku jirta dhaqan soo jireen ah oo aan la fududeysan Karin oo aan ognahay sida wax akhrinta ay ugu yar tahay guud ahaaan dadkeenna, waayo haddii uusan waalidku aheyn mid qiimeeya wax akhrinta waxaa aad u adkaanaya in ilmuhu helaan qof ay ku daydaan oo ay kaga daydaan wax akhrinta, waxaana rabnaa in ilmaheennu natiijooyin fiican gaaraan iyagoo aanan waxba akhrin. Akhrin la’aanta ilmuhuna waxa ay dhashaa inuu hoos u dhac ku yimaado horumarka luqadda cilmiga ee ilmaha oo aad uga duwan midda suuqa. Nin la yiraahdo prof J. Cummins oo kanadiyaan ah ayaa muddo hore sheegay, markuu ka hadlaayay horumarinta luqadda ardayga qaasatan kuwa wax ku barta luqad aysan u dhalan, inay u baahan yihiin ugu yaraan 5 illaa 7 sano inta u dhexeysa si ilmuhu u yeesho aqoon u suurta geliso in uu luqaddaas cusub uu si habsami leh wax ugu barto.

Waalidiinta Soomaalida badankoodu waxa ay ilmahooda kula dadaalaan inay geeyaan iskuulo lagu caawiyo oo looga caawiyo luqadda, xisaabta iyo sayniska. Waxeyse badanaa aysan waqti gelin sidii ay daba gal ugu sameyn lahaayeen halka ay ilmahoodu marayaan iyada oo ay taasi u geyneyso inaysan waqti badan gelin fahamka qaabka waxbarashada dalka iyo weliba sida loo hormariyo waxbarashada ilmahooda. Waxaana ugu daran oo aannu sameynaa inaan iskuulka iyo weliba meelaha kale ee lagu caawiyo aan ilmaha geyno oo aan la isweydiin waxa ay ka soo faa’iideen iyo sidii loo sii horumarin lahaa waqtiga yar ee ay heystaanna looga faaiideen lahaa. Waxaana si weyn aan u hagrannay wax akhrinta oo aanan wax waqtiya aaban gellinina.

Wax akhrintu waa qaabka kaliya ee kor loogu qaadi karo luqadda uu qofku wax ku baran lahaa, sida ay sheegeen culumada ku takhasustay horumarinta luqadda, luqadda Ingiriiskuna waa maadada ay ilmaheennu ay badanaa iskuulaadku ka sheegaan in ilmaheennu ay u baahan yihiin in ay kor u qaadaan. Wax kasta oo dalkan laga bartana waxaa lagu bartaa luqadda ingiriiska oo xattaa haddii aad luqado kale aad dalkaan ka baraneyso, waxa aad ku baraneyso waa isla luqadda Ingiriiska. Haddii aad xisaab baraneyso amaba aad imtixaan u geleyso waxa lagu keenaaayo imtixaanka waa luqadda Ingiriiska. Luqaddii ingiriiskana iyadii naftirkeeda waxa ay u baahan tahay inaan taqaanno naxwaheeda, qoraalkeeda iyo weliba inaad ka taqaanno erayo tayeysan oo ardayga u suurta geliya inuu fahan u yeesho maadooyinka kale oo uu ku baranayo luqaddaas. Haddaba haddii aysan ilmaheennu akhrin oo aysan si joogto ah uga shaqeyn horumarinta luqadda, waxaa hubanti ah inuusan gaareynin heer waxbarasho oo ka sareeya midka aradayda sidiisoo kale aan wax akhrin, waana middaas midda hoos u dhigtay heerka waxbarshada ilmaheenna.

Muddo dheer oo aan iskuulada hoose, sare iyo kolleejooyinka aan ka shaqeynayey waxaan arkayay arday la leeyahay Xisaabtoodu wey fiican tahay laakiin Ingiriiskooda ayaa aad u liita dhinac kastaba. Waana middaas midda keentay hoos u dhaca ballaaran ee ay maanta arkayaan waalidiin badan waxa kaliya ee looga bixi karana waa iyadoo wax weyn laga bedelaa sidii aan wax u baran jirnay oo ah inaan u fahanno waxbarashada in ilmaha iskuul la geeyo ee loo baahan yahay inaan ka fikirno waxa ay ilmuhu ku sameynayaa guriga iyo weliba sidii ay u jeclaan lahaayeen inay wax akhriyaan oo ay weliba iyagu wax isbaraan. Bal dib u fiiri dadka aad taqaan ee wax bartay, dhammaantood waxa ay ka siman yihiin wax akhrinta iyo weliba tixraaca, waana wax loo baahan yahay in ilmaheenna lagu abaabiyo oo weliba lagu ilaaliyo inta ay kala qabsanayaan oo ay u noqoneyso wax lagama maarmaan u ah noloshooda. Arintaasina ma aha mid qoys gooni ah amaba arday gooni ah uu si gaar ah u yeelan karo ee waa inay noqotaa wax si weyn ay uga qeyb qaataan waalidiinta iyo dhammaan intii meel isla degan oo ay ka fikiraan sidii ay u abuuri lahaayeen si ilmahoodu u wada wadaagi lahaayeen jaceylka ay u qabaan wax akhrinta amaba u wada wadaagi lahaayeen buugaagta si ay ugu tartamaan wax akhrinta.

Ugu danbeyn, haddii si wadajir ah ay iskuulaadka iyo waalidku ay isaga xilsaaraan sidii ay ilmahooda wax akhrinta kor ugu qaadi lahaayeen, waxaan hubaa in muddo kooban ay waxweyn ilmahooda iskaga bedeli doonaan oo ay weliba heli doonaan kalsooni ay ugu dhiiradaan maadooyin badan waase haddii kor loo qaado fahankooda xagga luqadda lana jecleysiiyo inuu noqdo wax akhriye joogto ah. Akhrintu waa furaha horumarinta waxbarashada, waxeyna si lama filaan ah kor ugu qaadaa darajada ilmaha sanadkuu rababa ha dhigtee.

W/Q: Abdihakin A. Asir
Maamulaha Educating Somali Children
Abdihakin.asir@educatingsomalichildren.com
http://www.educatingsomalichildren.com

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: