Xaaji Jayte oo walwal badan ka muujiyay mustaqbalka dalka.

somali flagMaanta oo aan waqti dheer isu helnay aniga iyo saaxiibkey Jayte ayuu si dheer iiga hadlay sheeko dheer oo ku saabsan aayaha dalka iyo sida uu uga walwalsan yahay iyo weliba rajada uu qabay iyo waxa uu maanta maqlaayo.
Markuu muddo aamusnaaday ayuu Jayte igu yiri: Saaxiib, waa ayaan raddo weyn inaan meel aan u soconnoba aanan aqoonin.

Jaamac: Anoo yaaban ayaan waxaan ku iri Jayte, maxaad ka hadlaysaa, markaas ayuu iigu celiyay, haddaadanba adigu I fahmeynin waxaan sheegaayo waxbaa ka jira. Kaligey ayaan dib u fariistay oo waxaan is iri odayga ma loo soo socdaa waa kan maanta kaligiis sheekeysanaaye.

Jaamac: Anoo kaligey is weydiinaaya waxa uu Jeyte ka hadlaayo ayuu isagoo hadal dabacsan ku hadlaaya igu yiri; Saaxiib, horta waxaan ummadda Soomaaliyeed heysannin aniga ima heystaan oo aniga wax ii gaar ah ma leh balse waxaan rabaa inaan ku tusaaleeyo waxa aan soo arkay iyo sida aan filaalay iyo sida hadda wax u muuqdaan.

Jayte: Anigu waxaan ahay ilmihii kacaanka markuu dalka qabsaday dhashay oo arkay kaliya dowladdii kacaanka. Waxaan heystay wax kasta oo cunug yar oo caalamka ku nool uu heystay oo waxa ay isugu jireen wax waalidkey uu I siiyo iyo wax dowladdu I siiso oo raashinka ma ahane wax kasta oo kale oo ay ku jiraan caafimaad, waxbarasho iyo adeeg kasta dowladda ayaan ka heli jiray. Waxaan ku soo koray magaalo madaxda dalka oo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay Soomaaliya dhulka la yiraahdo ay uga noolaayeenba ay dhammaantood wada deganaayeen oo waxaan deris aheyn 5ta Soomaaliyeed dad ka kala yimid. Waxaan dalka ku gaaray illaa heer jaamacadeed oo waxaan soo dhigtay Jaamaccaddii ummadda oo waxaa wax ii dhigi jiray macallimiin lataliyaal u ahaa madaxweynihii hore dalka iyo qaar iyaguna madax sare dalka ka soo qabtay oo maanta badankood aysan noolayBurburkii ka dib, waxaan sanado joogay dalka anoo ku riyoonaya inaan maalin uun aan ku noqon doono waxbarashadaydii oo weliba waxaan maalin ka qeyb galay shir uu mid ka mid ah wasiiradii ugu horeeyay ee waxbarashada sare ku qabtay tiyaatarka dalka isagoo leh, “aanba geedaha hoostooda ku dhigannee, dib ayaan u furaynaa jaamacaddii ummadda. Ilaaheyse ma qadarin oo wixii dhacay waa waxaanan jecleen inaan waqti badan kaaga qaado. Waxaan hadana nasiib wanaag amaba nasiib darro fursad u helay inaan u qaxo wadama caalamka. Waryaan saaxiib war kugu dheeraynine, muddo ku dhowaan labaatameeyo sano ayaan ku noolahay qurbaha anoo maalin kasta gadaal u fiirinaya dalkii hooyo oo aanan weli ka quusan inuu maalin noqon doono dalka caalamka ugu fiican.

Jaamac: Anoo yaaban oo leh muxuu saaxibkaa Jayte sheedadaan dheer saaka u billaabay ayaan warka inaan ka jiibiyo kaliya shaqo ka dhigtay.

Jayte: Waxa ay dabeeshu is rogrogtaba, xilliyadii hogaamiye kooxeedka waxaa bedelay kuwo wadaado isku sheegaayay oo maalmo gudahood caasinmaddii dalka kula wareegay oo iyagu ahaa markii hore kuwo lacagaha waalan ay dagaal oogayaashu ka sameyn jireen oo ay wadama deriska iyo weliba kuwo kale oo aan la aqoon u gudbin jireen inta maagalada ka qabtaan. Dadkii Soomaaliyeed ayaa mar uun neefta ku soo noqotay oo si lama filaan ah ayey mar uun rajadii u soo noqotay oo waxaa afkooda laga waayay ammaan iyo yididiilo ama ahane wax kale.

Nasiib darro, bilo ka dib, waxaa dalkii ku soo ruqaansaday cadowgii Tigreega oo uu Meles hogaaminayo oo sida gadaal laga wada warhelay ay reer galbeedku gadaal ka riixayeen oo la lahaa yaanan wax wadaad ah la maqlin oo waa in dalka maxkamadaha iyo waxa ay wataan laga sifeeyo.

Dhalin badan ayaa halkaas nooga baxday ilaaheyse waa na dhaafsiiyay askartii Itoobiyaanka ahaa ee Caasimadda joogay, oo hadana si qasab u eg ayaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Raisulwasaarihii danbe, Nuur Cadde, loogu qasbay inay is casilaan oo madax la doorto.

Adaaba yaabi doonee, isla ninkii ka madaxda ka ahaa maamulkii maxkamadaha ayaa madaxweyne loo soo doortay, waxaana muddo ka hor intii aanan Cabdullaahi Yuusuf madaxweyne loo dooran lagu soo heshiiyay qaab maamul oo dad badani diideen balse la isku qasbay oo la yiraa Federaal. Waryaanan hadal kugu daaline, Sheekh Shariif oo shalay ahaa guddoomiyihii maxkamadaha oo madaxweyne ah Jabuutina lagu soo doortay ayaa dalka diyaarad ugu soo noqday. Ogow shalay denbiile ow ahaay oo waa la raadinaayay. Bal maa shalay na loo dhaafo oo maxaa dhalinta na looga leynaayay?
Si kastaba ha ahaatee, muddaddii uu joogay waxaa lagu xasuustaa inuu dalka doorasho ku qabtay oo madaxweyne kale lagu doortay dalka gudahiisa si sharaf lehna uu xilkii u wareejiyay.

Jaamac: Jayte anigu kuma fahmin, ee sheekadaan dheer maxaad maanta ku keentay?

Jayte: I sug aan kuu dhameeyee.
Jayte: Waxaa la doortay Xassan Shiikh oo isagu ahaa nin qorax joog ah iyo saaxiibadiis afar sano iyo bilooyin ayey dalka joogeen. Shaqo badan ayey qabteen oo meshi la joogay meel ka sareyso ayey wax geeyeen oo weliba arrimaha dibadda si fiican oo mug leh ayey dalka u geeyeen meel. Balse is dhexyaac badan oo xagga maamulka iyo hantidii dalka oo si aan la rabin wax loo maamulay ayaa xantu aheyd. Waxaase la inkiri Karin inuu dalku galay doorasho kale oo sidey rabtaba ha u dhacdee dalka gudahiisa lagu qabtay oo ka bacdina la aqbalay wixii ka soo baxay oo lagu doortay maxadweynaha maanta jooga ee Farmaajo.

Maalintii la doortay Madaxweyne Farmaajo, hadda waa la yaabay. Ha dhihin askar, ha dhihin shacab, ha dhinin dadkii dibadda joogay dhammaan waa la soo wada dhoweeyay waxa uu na bil gudahiis ku magacaabay nin aan weligiis la maqal oo la yiraa Xassab Cali Khayre oo uu raisulwasaare u magacaabay. Saaxiib, muddo labo sano gudahood ayey dalka maanta maamulayaan oo weliba weli isma qaban oo labadooda oo isku dhegan ma maqal. Maanta shaqaalaha federaalka waa la yaqaan. Waa yar yahay qof labo meel mushaar qaata. Waa yar yahay askeri aan diiwaan gashnayn. Canshuur ay dowladdu qaaddo oo aysan shirkado qaadin oo dhammaantood ku dhacda wasaaradda maaliyadda ayaa jirta. Waxaa muran ka taagneyn in hab dhaqanka safiirada ajnabiga dalka jooga ee markii hore iyagu ahaa wax kasta oo ayba isu heysteen inayba yihiin madaxda dalka ayaa aad wax isaga bedeleen. Waxaa socota neecaw fayow oo qofkii wax garad ah uu uga jeedo isbedel baaxad leh.

Jaamac: Haye.

Jayte: Waxaase maanta la sheegaa in qalalaase jiro oo la leeyahay kuwo xildhibaanno ah oo iyagu la’ wixii ay xildhibaanimada u soo galeen ayaa waxa ay wadaan in dalku galo muran iyo buuq.

Jaamac: Sow sidaas dalku ma ku jiri jirin? Waqtigii Xassan waxaa la bedelay illaa iyo seddex raisulwasaare. Taas maba aadan sheegin ee maxaad middaan uga walwalsan tahay Jaytow?

Jayte: Saaxiib, horta nin wax fahmaayo ayaan kuu heystay, balse wax badan lama socotid. Maanta waxa waxaan wada ma aha xildhibaan soomaaliyeed ee waa dhuuni raac wax yar inuu dalka dhaafsado raba oo isagu inta kale ka qeylo dheer oo wax kasta oo ay dowladdu sameyso oo wanaag ah xumaan u fasiraaya.

Jaamac: Marka maxaa kaa welwelinaayo?

Jayte: Waxaa iga welwelinaayo ma aha labada shaqsi ee maanta dalka maamula ee waa in dalkeennu laheyn dad u naxa oo iyagu shaqsi iyo qof naceyb ka weyn oo fahmi kara waxa iyaga ka dhexeeya iyo waxa caalamka kala dhexeeya. Saaxiib waxaa calool xumo ah, in xildhibaanno Soomaaliyeed oo maalmo ka hor loo diiday inay shir ku qabsadaan dalka Keenya oo waqtigaas dowladda Soomaaliya isku fiicnaayeen, maanta markii xiriirka labada dal xumaaday ay iska kuwii shalay loo diidanaa inay meeshaas ku shiraan la yiri waad ku shiri kartaan ee dowladdiinna nala burburiya!

Saaxiib, anigu waxaan metelaa kuwo badan oo Soomaaliya oo looma ooyaan ah oo dalka gudahiisa iyo dibbaddiisa aanan cod iyo culays ku laheyn oo iyaga wixii la rabo loo sheego oo maalinba meeshii dabeyshu u socoto isaga socda oo aanan fahmi Karin waxa la sheegaayo waxa ka danbeeya oo aan ka cabsanaayo inaad adigu ku jirto.

Jaamac: war annaga ha na xagxagannine noo sheeg waxa aad ogtahay annagu uur ku baalle ma nihinne.

Jayte: Saaxiib, maanta iga qor. Ma aha Farmaajo iyo Kheyre waxa loo socdo ee waa inaysan Soomaaliya yeelannin nidaam iyo kala danbeyn si dadkaasi uga baxaan baahida iyo colaadaha ragaadiyay. Waxaa dalkeenna burburkiisa ku nool wadamo badan oo deriska ah oo ay ku jiraan kuwa carabta ah. Dhammaantood waxa ay aaminsan yihiin haddii ay Soomaaliya cagaheeda ku istaagto in fursadahoodu yaraan doonaan sidaas darteen ayeyna u sameynayaa wax kasta oo Soomaaliya dib u sii dhigi kara, Soomaalina waa fahmi la’ yihiin.

Jaamac: Maxaa xal ah marka oo aan sameyn karnaa?

Jayte: saaxiib, maanta waxa ay joogtaa meeshii geedku ka yiri; masaarey ima goyseen, hadaadan heysan qeyb aniga iga mid ah. Maanta Soomaali waxa ay maraysaa in iyaga la isku jebiyo oo wax kasta oo dhexdooda yaalla looga faa’iideysto danaha ay wadamada kale dalka ka leeyihiin si ay maalin uun dalka u keenaan kuwo ay waxa ay rabaan ka helaayaan oo ah inaan guryaheenna marti ku noqonno.

Jaamac: Maxaa xal ah oo aan sameyn karnaa annaga oo dhan?

Jayte: Si aan loo burburin rajada yar ee maanta muuqata iyo iftiinka, waxaa lagama maar maan ah in aynu diidno wax kasta oo geeddi socodka dalkeenna dib u celin kara oo weliba na gaarsiin kara in inta maanta noo dhisanni burburaan. Shaqsi iyo shaqsi kale ayaa dalkeenna burburiyay oo iyagu awoodi waayay inay intay wada fariistaan wax ku heshiiyaan oo ay weliba ummadda u naxaan. Sidii oo kale ayaa ii muuqata. Waxaa ii muuqda inaan sanado badan oo kale aan qurbaha sii joogi doono haddaanan ilaahey ummaddeenna is fahansiin oo isu muuqadkoodu dhammaan oo aysan iyagu wada arkin kuwa dalka iyo dadka dibin daabyada ku wada. Nasiib darrada na heysata ayaa ah in kuwa isheysta ma ahane aan inteenna kale fiirsanayno oo uusan jirin qof dhahaaya ina adeer kaama yeelayno oo kugulama jirto howshaan.

Jaamac: Saaxiib waa runtaa.

Jayte: Ma waxaan awoodi la nahay inaan dhahno, dowlad burburiye dooni mayno, oo aan meel kasta la istaagno oo aan wax kasta ka hormarinno inuu dalkaani iska kutubo inta uu ka gaaraayo maalintii uu cafahiisa isku taagi lahaa. Waa hubaa haddii aanan gadaal naloo celin in muddo kooban uu dalkeennu noqon doono meelaha Afrika ugu dhaqaalaha xoogan oo ay dadkeennu dal iyo dibad sidey ugu nool yihiinba ay heli doonaan xushmo iyo qadarin ay caalamka ugu noolaadaan ee yaa caade qaate xal nooga hela!

Jaamac: Jayte, anigaabad I calool gaddoonsiisay oo gudaha illimadu iga socotaa ee saaxiib ha rajo dhigin. Dalkan ilaah baa wata oo arrimihiisa maamulaya. Maanta inaan meeshaan soo gaarno nalama rabin. Waxaa la rabay inaan mar hore baaba’no oo aan dhowr wadan noqonno oo weliba la isku deyaayo, laakiin tuu alle qadaray ayaa dhici doonta. Saaxiib ha is calool xumaynin, hana ka quusan naxariista alle. Kuwa maanta na dhibaaya ee diidan horumarka dalka iyo dadka, aaway kuwii ka horreeyay. Kuwaanna sidaas oo kale ayey u dhammaan doonaan. Waxa kaliya ee loo baahan yahay waa in dowladda maanta jirtaahi ay dowlad ahaan u dhaqmaan oo aanan lagu arag wixii hore oo ay hanti badan ku bixiyaan adeegga si dadku u aaminaan. Waa inaysan waqti badan ku dhumin kuwa inay wax qasaan rabaan. Ilaahbaa iyaga keenay. Inta ay joogayaanna ilaah baa garanaya, waa inay xoogoodda isugu geeyaan inay kuwa ka danbeeya tusaale u noqdaan, si kuwo ka fiican ma ahane aysan imaannin kuwo iyaga ka liita. Ilaahey waxaan Soomaali uga baryeynaa inuu ilaahey xaqqa tusiyo.

Jayte: Aamiin. Ilaahey ducadaada ha noo aqbalo. Markaad maantaa roon aad istiraahdaba, kuwo aan wax garan ayaa meel xun ka soo baxaaya. Ilaahow kuwii danahooda mid u noqda allaha naga dhigo.

Jaamac: Aamiin. Waa inoo berri.

Jayte: Waa yahay saaxiib.

W/Q: Cabdixakiin Cali Casir

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: