Ma af-Ingiriis in lagu qoraa ‘manhajka’ Soomaaliya mase Af-Soomaali?

Doodani waxa ay si lama filaan ah uga billaabatay bogagga dadku ku wada hadlaan markii dowladda Soomaaliya ku guulaysatay inay daabacdo buugaagtii ay ardaydu wax ka baran lahaayeen ee illaa sanadka siddeedaad oo weliba dhallin badani waxa ay ku doodeen, marka aan soo koobo, in ay dalka u fiicnaan laheyd in wax lagu barto Afka Ingiriiska iyadoo la fiirinayo dhowr waxyaabood oo ay ugu hormariyeen; in luqaddeenno ay ugub tahay oo aysan laheyn waxbadan oo ay leedahay luqadda Ingiriiska, in Af-Ingiriisku maanta yahay kan caalamka oo dhan wax lagu barto. Inuu ardayda u fududeynayo inay waxbarashadooda sii wataan oo caalamka meelo badan wax ka sii baran karaan iyo in shaqo helidda ay fudud tahay haddii aad taqaanno Af-Ingiriiska.

Hadaba si aan doodeyda aan si hufan u soo bandhigo, marka hore waxaan rabaa inaan qiro in Af-Ingiriisku muhiimad u leeyahay qof kasta oo raba inuu waxsiyaadsado Soomaali ha ahaado amaba wadan kale ha u dhashee, balse muhiimmaddaasi ma u qalantaa mid dalka Soomaaliya oo isagu leh luqad u gaar ah inuu waxbarashadiisa oo dhan amaba buugaagta wax laga barto ee ardaydu iskuulaadka ku bartaan dhammaantood lagu soo bandhigo luqadda Ingiriiska? Maxaase faa’iido amaba qasaare ka dhalan kara marka la isbarbar dhigo? Maxaase dalka guud ahaan mustaqbalka dhow iyo kan fogba u dan ah, ma in Ingiriis noqoto luqadda wax aan ku baranno mase Afkeenna hooyo ee Af-Soomaaliga ah.

Waxaanan la inkiri Karin in afarta qodob ee aan ku soo koobay doodaha aadka u ayidayo Af-Ingiriis inuu noqdo luqadda dalkeennu wax ku barto, in marka aad mid mid amaba guud ahaan u fiiriso inay dhammaantood leeyihiin wax lagu taageeri karo balse waxaad moodaa inaysanba fiirineynin waxyaabo badan marka dadka afartaas arrimood sabab uga dhiga sabaha ay tahay inaan luqaddeenna ka guurno oo waxbarashada dalka oo dhan lagu dhigto Af-Ingiriis waxaanaba jira arrimo taariikhi amaba cilmi ah oo aad u malayneyso in doodaasi aysanba fiirin, marka laga yimaado sida Soomaalinimada iyo ku hadalka afka Soomaaligu ay isugu tolan yihiin, dhaqnkeennuna ugu xiran yahay.

Taariikh

Sida la wada ogsoon yahay oo aad meel walba ka heli karto, marka laga yimaado waxbarasada diiniga ah ee ay Soomaaliya caanka ku tahay, qaabka waxbarashada dugsiyada ee sida aan maanta naqaan u qaabeysan waxaan noo keenay gumeystihii Soomaaliya qarnigii sagaal iyo tobnaad yimid oo iyagu dalka Soomaaliya iyo wadamo badan oo Afrikaan ah u kala qeyb qeybiyay qeybqeyb, dadkii walaalaha ahaana iyagu xudoodo u kala yeelay. Soomaaliya waxa ay ka mid tahay, ayaandarro, wadamada noocaa lagu sameeyay ee wadamo kala qeybsadeen oo Talyaani, Faransiis iyo Ingiriis ayaa dalkii qeybsaday oo weliba mid kastaaba meesha uu joogay ka billaabay iskuullo iyagu ugu talo galeen inay soo saaraan dad Soomaali ah oo maamulkooda ka qeyb noqda hirgeliyana danahooda, waana sida ay sameeyaan dhammaan gumeystayashu meel kasta oo ay tagaan. Tiradaa yar oo dadka ah ee iyagu xusheen sidey rabaanba ha ku xushaane ayaa dalka wax ka baran jirtay waxa ayna wax ku baran jireen luqadihii kala duwanaa wallow Soomaaliya ay nasiib u laheyd iany lahaato hal luqad oo innaga oo dhan aan isku afgaranno meel kasta oo aan dalweynaha Soomaalidu degto aad ka joogto.

Hadaba, aan u gudbo dulucda taariikhiga ahe, markii gumeystaha dalka laga saaray oo aan yeelannay dal aan annagu maamulanno oo labadii gobol ee Soomaaliya mid nooqdeen ayaa, waxaa dalka soo food saaray xaalad maamul oo adag illeen waxaan dhaxalnay labo maamul gumeysi iyo labo luqadood oo ay Ingiriiska iyo Talyaanigu kala isticmaalayeen. Inta yar ee Soomaalida ah ee ay labadaas gumeysi wax soo barteen ayaa dalka dhan indho u ahaa illee labadaa luqadood midkood ayaa la isticmaalayay iyo luqadda carabiga oo iyado ka daba tuur aheyd waqtigaa waayo dowladda Masar ayaa waqti badan gelisay oo arday badan oo iskuulaad ka soo baxay oo Carabi wax ku bartay dalka u soo saartay. Si kastaba ha ahaatee, waxaan la kowsannay meel haddii xafiis dowlo wax kaaga xirmaan aad u baahan tahay ‘Karraani’ luqadahaa mid yaqaanna oo haddii kale maba aadanba fushan Karin danahaada. Gadaal Ayaan arintaan sinnaan darrada ah uga hadli doonaa ee waxaan ku koobayaa, maamuladda luqadahaas isticmaalay, dadku uma sinneen waayo, sida uu ka sheekeeyay Allaha u Naxariistee Ra’isulwasaarihii hore Abdirisaaq Xaaji Xuseen markuu dalka Ra’isulwasaaraha ka ahaa dhacday in dowladda Jarmalka ay Soomaaliya ugu deeqday tiro arday ah oo loo soo tabobaro wedidda diyaaradaha iyo sameyntooda. Waxaana shardi looga dhigay in uu qofka dalbanaayo uu yaqaanno luqadda Ingiriiska, waxaana dhacday in hal qof oo isagu isbaray amaba bartay luqadda Ingiriiska oo Koofur joogay ma ahane ay inta kale ee helay waxbarashadaas ay noqdaan walaalaha Waqqoyiga oo iyagu luqadda Ingiriiska agtooda wax looga baran jiray. Hadaba, midani waa tusaale kooban oo aanan rabin inaan ku sii dheeraado waadse akhrisan kartaan haddii aad daneyneysaan ee ujeedkeygu waxa ay tahay in luqadda aan teenna aheyn aanan loo sinneen oo ay dhici kareyso sidii waagaaba dhacday in dad koobani fursad u helaan inay waxbartaan luqadday rabaanba ha ku bartaannee. Marka maamulka loo yimaadana kaba sii daran.

Luqadda lagu maamulo dalka.

Waqtigii gumeystaha, labada gobol ee maanta Soomaaliya la isku yiraahdo, waxaa wax lagu maamuli jiray labo luqadood oo kala duwan runtiinna dhib weyn ayey noqotay markii dalku xoroobay sidii labadaa luqadood loo wada isticmaali lahaa waayo koofurta Af-Talyaani ayaa wax kasta sal u ahaa meesha Waqooyiga maamulku Af-Ingiriis sal u ahaa oo waxbarashada labadaa gobol ka jirtay labaduba luqadahaas kala duwan ayey ku baxayeen manaba aheen waxbarasho ay Soomaalidu laheyd ee waxay ahaayeen waxbarasho loogu talo galay in gumeystaha loogu adeego laguna isticmaalo luqaddooda. Hadaba Soomaalidu dhib weyn ayey kala kulmeen luqadaha aanan laheyn toodii ee uu qumeystuhu nooga tegay ee weli iyagu ahaa luqadaha dowladda Soomaaliya sidaan horay u sheegana waxey dhaliyeen sinnaan darro. Waxaase wax walba inta wax fahansan uga sii darnaa, Soomaaliya ma jirin baahi ay luqad kale u isticmaalaan waayo luqado badan annagu ma laheyn ee dhibka jiray waxa uu ahaa luqaddeenna oo aanan waagaa qorneyn oo iyadu aheyd mid lagu hadlo oo kaliya maadaama xafiisyada dowladda looga baahnaa luqad la qoro.

Isku dayo badan ka dib, waxaa todobaatameeyadii lagu guulaystay in la qoro Afka Soomaaliga muddo yar gudahiisna waxaa laga dhigay luqadda maamulka dalka taas oo si dhab ah u mideesay labadii gobol ee gumeystuhu labada luqadood uga kala tegay, waxaana dalka ka hirgalay olole ballaaran oo dhammaan dalka oo dhan lagu gaarsiinaayo qorista iyo akhrinta Af-Soomaaliga oo taariikhda nooceeda oo kale meel ay ka dhacday aanan la sheegin waqti yar gudahiis. Waxaana sidaa looga gudbay u sinnaan darradii maamulka dalka oo qof kasta oo qori kara akhrinna kara luqaddiisa waxa uu fursad u helay inuu si toos ah u isticmaalo ugana gutto baahiyihiisa xafiisyada dowladda uguna shaqeeyo dowladda. Ugu danbeyntiinna waxaa lagu guulaystay in luqaddeenno noqoto luqadda aan wax ku baranno dalkana ku maamulanno.

Hadaba maxaa maanta keenay in lagu hamiyo in dalka lagu barto waxbarshadiisa af aanan aheyn kaan u dhalannay? Ma waxaan la ogeyn meesha dalkaan laga keenay iyo baahiyaha gaarka ah ee ay dadkeennu u leeyihiin afkooda hooyo?

Burburkii ka hor

Waxaan jeclaan lahaa in marka waxbarshada dalka laga hadlaayo, inaanan wax walba lagu miisaamin waxyaabihii dhacay intii dalku suuxdinta dheer ku jiray oo dib loogu noqdo xilligii ay billaabatay waxbarshada lacag la’aanta ah ee dugsi hoose illaa jaamacad lagu dhigan jiray lacag la’aan oo weliba jaamiciyiinta mushaarka lagu siin jiray inay waxbartaan horayna shaqo ka heli jireen maalinta ay soo dhammeeyaan. Waxbarashada nidaamsan ee uu dalku lahaa waxa ay ku wadabixi jirtay ugu badnaan Af-Soomaali wallow ay jireen iskuullo iyagu sababo gaar ah dartood luqado kale lagu dhigan jiray oo isugu jiray Carabi iyo Ingiriis. Waxayna dhammaantood ahaayeen iskuullo ardayda ka soo baxdaahi ay caalamka ka heli jireen waxbarasho taasoo aysan caqabad ku noqon jirin luqadda Af-Soomaaliga ay wax ku soo barteen waayo luqadaha kale waxa ay u qaadan jireen maado ahaan. Jaamacadda dowladda waxa ay ku bixi jirtay Af-Talyaani iyo kuliyadda waxbarashada Lafoole oo iyaduna Ingiriis ku bixi jirtay. Waxaa labadaba loo diyaarin jiray ardayda luqadda si ay ula qabsadaan labadaba wax dhib ahna ma jiri jirin. Hadaba maxaa maanta keenay in luqaddaa sida weyn loo soo tijaabiyay in maanta wax ku bariddeeda su’aal la geliyo?

Burburkii dalka iyo waxbarashada

Markii dowladdii dhexe ee dadka waxbari jirtay meesha ka baxday, waxaa iyana burburay dhammaan kaabayaashii waxbarashada oo meesha waxaa ka baxay wax kasta oo waxbarashada lagu kobcin jiray waayo wadan kastaaba sida uu caalamka ula socdo waxa uu si joogto ah dib u fiirin ugu sameeyaan waxbarshada dalkooda iyo manjahkooda. Waana maqnaanshaha ay dowladdu meesha ka maqnaatay midda keentay dib u dhacca waxbarashadeenna iyo kaabayaasha waxbarashada dalka ku timid. Dalku waxa uu lahaa heyad u gaar ah oo eray bixin u sameysa waxyaabaha cilmiga ah ee caalamka ku soo kordha. Soomaaliga si joogto ay ayuu erayo cilmi ah u yeelan jiray.

Marka taas laga sootago, intii burburka lagu jiray waxaa dalka la keenay buugaag la soo ammaahday oo ay wadamo kale dadkooda ugu talo galeen oo loo isticmaalay in ilmaha Soomaaliyeed wax laga baro. Xaaladda maalintaa jirtay ayaa qasabtay oo waxaaba ka darnaan laheyd haddii muddadaas oo dhan aanba wax la barteen, balse waxa ay dhalisay kala duwanaan ay kala duwan yihiin manjahka ay ardayda Soomaaliyeed ee iyagu waaga fursad u helay inay waxbartaan ay wax ka barteen. Qaarba waxay aaminsan yihiin in manjahka ay iyagu wax ka soo barteen uu ka fiican yahay kan kale iyaga oo aanan cid isbarbar dhigtay jirin. Waxaana badanaa loo kala saaraa luqadaha ay manaahijtaasi ku kala qornaayeen oo waxaad arkeysaa arday iyagu ammaaneysa wax ku barashada afka Carabiga iyo kuwo Af-Ingiriiska aad u ammaaneysa, waxaanaba meesha ka baxay Afkeennii hooyo oo iyagu waayay daryeel iyo dowlad horumarisa.

Waxa uu dalku soo maray xilli qofka carabiga yaqaannaahi uu shaqo horay ka helo, oo waa sanahidii ka horreysay 2001dii oo ay heyadaha carabta ka yimaadda dalka ku badnaayeen iyo maanta oo uu Af-Ingiriisku noqday luqadda qof walbaahi uu isku dayo marka uu hadlaayo inuu labo eray ka soo ammaahdo isagoo u arka inuu hadalkiisa qiimo u yeelayaan labadaa eray amaba qiimo dheeri ah uu dadka ku dhexleeyahay qofka ku hadla Afka Ingiriiska waanaba midda ay dhalintu ku doodayaan oo ay u arkaan maadaama maanta heyadaha dalka joogaahi ay u badan yihiin kuwo Af-Ingiriis ku hadla amaba uu yahay Afka ay isticmaalaan, ay fududahay in qofka yaqaanna Af-Ingiriisku uu ka fursad badan yahay kan carabiga amaba Soomaaliga kaliya yaqaanna. Yaase yiri sidaan buu ahaan doonaa suuqa shaqada Soomaaliya oo mar kasta Af-Ingiriis ayaa lagu qasbanaan doonaa? Maxaase diidaya in Af-Soomaaligu noqdo luqadda shaqada dalka oo dhan oo ay cid walbaaba isticmaasho si si siman dadku u wada helaan adeegyada dowladda iyo weliba kuwa ay bixiyaan heyadaha kheyriga ah?

Luqadda wax lagu barto dal muxuu u doortaa?

Marka laga yimaado taariikhdaa, dal marka uu dooranayo luqadda uu ku bixinayo waxbarashada dalkiisa, waa inay jiraan sababo gaar ah oo ku qasba inuu luqad aan kiisa aheyn uu wax ku barto. Waxaana badanaa loo aaneeyaa, marka la dooranayo luqadda gumeystaha, inuusan dalkaasi laheyn luqad guud oo dadka wadankaasi degan ay dhammaantood isku wada fahmaan. Marka ay xaaladdaas dhalato, si aan loo dhihin qolo gooni ah ayaa luqaddadooda wax lagu bartaa oo dadka dalkaas intiisa kale qasbeysa ayaa luqaddaa dhexe loo qaataa taas oo dhalisa in dad badan oo dalkaas ka tirsani aysan weligood waxbaran iyadoo sabab ay u tahay luqadda waxbarashada lagu dhiganayo. Halkaan riix . Badanaa, luqadda wax lagu barto ayaa hadana noqota luqadda dalka lagu maamulo oo maba jiro wadan luqad wax looga barto hadana luqad kale lagu maamulo. Hadaba aan idin su’aalee baahidaa Soomaaliya ma qabtaa. Jawaabtu waa maya, sidaa darteed dalkani ma laha baahi uu u qaato luqad kale isagoo ilaalinaya isla jirka dadkiisa. Arinta labaad oo dhalin karta, waa haddii uusan dalku laheyn luqad qoran oo uu u baahan yahay inuu isticmaalo luqad kale sidii ay Soomaaliya ahaan jirtay xilligii gumeystaha ka dib intii aan la qorin luqaddeenna.

Wax ku barashada luqaddaada iyo faa’iidadeeda

Waxaa si cilmiyeysan loo ogaaday in wax wax lagu barto ay ugu fiican tahay luqadda uu ilmuhu guriga uga hadlo. Soomaaliya marka la joogana luqaddaasi waa Af-Soomaali. Waxaa kaloo la ogaaday oo cilmi baaris dheer lagu ogaaday qofba qofka uu luqaddiisa uga aqoon badan yahay inuu barashada luqadda labaadna uga fiicnaanayo sida uu qabo Bare J. Cummins. Baruhu waxa kale oo uu ogaaday in qofka luqadda aan tiisa aheyn wax ku baranayo, marka uu joogo wadanka luqaddaas labaad looga hadlo uu si fudud ku baran karo luqadda labaad ee luqad suuqa ah, laakiin ay 5 illaa 7 sano ay ku qaadaneyso inuu ku barto luqadda cilmiga oo ay waxbarashadu u baahan tahay. Haddaba haddii luqaddii furaha u aheyd waxbarashada oo aan kaada aheyn ay intaas oo sano u baahan tahay markaad joogto dalka looga hadlo, maxey kula tahay waxbarashada lagu barto dal aanan luqaddaas looga hadlin oo ku hadliddeeda aad iskuulka dhexdiisa kaliya kula kulmayso? Waa cadahay waana loo jeedaa in luqad iskuulka kaliya lagu isticmaalo ay yaraaneyso horumarkeeda waxaanaba cad in tayada waxbarshada dalku aysan ahaaneynin sidii ay noqon laheyd haddii luqadda dalka wax lagu barto. Taas waxaa kuu dheer, haddii la yiraahdo Soomaaliya Ingiriis wax ha lagu barto, xaggee laga keenayaa macallimiin maado kasta Af-Ingiriis ku dhigi kara oo tayada luqaddoodu ay tahay mid aad u sarreysa? Waa arin aad ugu adkaan doonta dalka waana waxaan baahi loo qabin waase haddii si sax ah loo xisaabtamayo.

Waxaanse ka cabsanayaa

Sida ku cad sharciga waxbarashada ee weli yaalla baarlamaanka boggiisa sideedaad in dalku yeelan doono waxbarsho dugsi sare oo dhowr luqadood ku bixi doonta.

Sida ka muuqata qodobka 22aad ee sharcigaas, waxa uu dalku yeelan doonaa waxbarsho dugsi sare oo ku baxeysa seddex luqadood(Soomaali, Ingiriis iyo Carabi), iyadoo sida la leeyahay ardayda loo diyaarin doono luqadaha ay wax ku sii baran doonaan. Waxaase lagu daray in dhammaan maadooyinka cilmiga bulshada lagu baran doono Af-Soomaali. Marka waxa muuqda ee Af-Ingiriis amaba Af-Carabi lagu baran doonoo waa maadooyinka Sayniska iyo xisaabta iskuulada luqadaha ajnabiga lagu dhigto.

Waxaase la yaab leh oo iska sharciga farqaddiisa afaraadaad ku jirta in luqado kale lagu dhigi karo iskuulaadka hoose, haddii ogolaansho laga helo wasaaradda waxbarashada. Taasi waxa ay ku tusaysaa in wax ku barashada afka Soomaaligu uusan ku adkeen dalka oo iskuul hoose iyo mid sareba ay suurta gal tahay in lagu dhigto luqado kale iyada oo aysan jirin baahi gaar ah oo uu dalku u qabo.

Ugu danbeyn, dalkeenna waxaa u fudud una fiican muqtaqbalka dhow iyo kan fogba, in dadku wax ku bartaan afkooda hooyo si loogu sinnaado waxbarashada oo aysan dad koobani noqonin kuwa iyagu sida gaarka ah uga faa’iida fursadaha ay luqadaha kala duwan dhalin doonaan iyo weliba kala baahsanaanta waxbarashada dalka oo ay taasi dhalin doonto. Dalkeennu uma baahna luqad kale in wax lagu dhigo oo waxaa la kobcin karaa luqaddeenna, luqadaha kalena waxa ay noqon karaan maadooyin muhiim ah oo maadooyinka la dhigto ka mida. Waxaana baarlamaanka iyo wasaaradda waxbarashada u soo jeedinayaa, in sharciga hadda baarlamaanka yaalla dib loogu noqdo inta uusan baarlamaanku ansixin.

Ilaalinta afkeenna hooyo waa waajib dastuuriya, waxaana si weyn loogu ilaalin karaa oo kaliya markii waxbarashada iyo xafiisyada maamulkuba ay si hufan u isticmaalaan oo aysan ogolaan in luqado kale ay luqaddeenna ku cariiriyaan waxbarashada iyo xafiisyada maamulka dalka sida hadda dhacda.

W/Q: Cabdixakin C. Casir
mogadisho69@gmail.com
@Abdihakin_A

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: