Sideen ku helnaa, macallimiin ku jira miisaaniyadda dowladda oo aanan aheyn kuwa hadda iskuulada dowladda ka shaqeeya? Talo soo jeedin

(Qoraalkan waxaan qoray sanad ka hor)

Horumarinta waxbarashada dalka waa furaha helitaanka bulsho ujeed mideysan leh oo iyagu qaabeeya qaabka ay rabaan inay dadkoodu ula jaan qaadaan isbedelka xowliga ah ee uu caalamku maalin kasta ku sii dhaqaaqayo. Waana heerka waxbarashada waxa keena horumarka amaba dib u dhaca bulsho ku yimaada.

In kasta oo aanan la inkiri Karin waqtiga adag ee uu dalkeennu soo maray, hadana waxaanan la dayalsan Karin tillaabooyinka ay madaxda dalku ay ku tillaabsadeen amaba ay qorsheynayaan. Waxaana sax ah inay jiraan caqabado badan oo aanan suurta gal ka dhigeynin wax kasta oo ay dowladdu rabi laheyd inay wax ka qabato, oo ay ugu horeyso miisaaniyad yari dalka oo dhan oo kallifeysa in aanan si ballaaran loo hirgelin Karin adeegyo badan oo aasaasi ah maadaama wixii la sameeyaba ay qoondo gooni ah u baahan tahay.

Hadaba markii aan fiiriyay, qorshaha cusub ee ay dowladdu billowday ee ku aadan horumarinta iyo tayeynta waxabarashada dowliga ah, waxaan is tusay inay jiraan qaab maanta suurta gal ka dhigaya in la helo macallimiin tayo sare leh iyada oo aanan wax qarash ah aysan dowladdu ku bixin doonin oo aanan aheyn midda hadda dowladdu dhiibto.
Waxaana halkaan ku soo gudbinayaa qaabka aan isleeyahay wuu sahli karaa in la helo tiro macallimiin ah iyo maamulayaal iyagu si joogto ah uga howl gala iskuulaadka dowladda.

Sidee 24ka iskuul ee dowladda loogu heli karaa macallimiin tayo leh oo weliba ka mid ah shaqaalaha dowladda.

In kasta oo ay Soomaaliya ka burbureen dhammaan adeegyadii bulshada gaar ahaan waxbarshada, waxay Soomaaliya nasiib u yeelatay in dhowrkii dowladood ee iyagu dalka soo mayey ay ku guulaystaan inay dayactiraan iskuulaadkii dalka qaar badan oo ka mid qaar cusbna ay dhiseen. Sidaas darteed, si loo hirgeliyo waxbarasho joogto ah oo tayo leh waxaa lamaga maarmaan ah in la helo macallimiin aqoon sare leh oo iayagana loo tabo baray waxbaridda qaatana mushaar ku dhiiri geliya inay barayaal noqdaan oo ay aqoontooda gudbiyaan.

Maadaama aan horay u sheegnay in dowladdu aysan waqtigaan xaadirka aysan haysannin miisaaniyad ballaaran oo ay ku horumariso adeegyada muhiimka ee ay Bulshada Soomaaliyeed u baahan tahay, waxaa jira qarashaad dowladda hadda ka baxa iyo shaqaale badan oo ay dowladdu leedahay oo iyagu aqoon fiican leh awoodana inay waxbarashada ubadkeenna ka howl galaan oo maanta qaata mushaarooyin fiican balse aanan si joogto ah aanan shaqo uga heynin xafiisyada ay ku qoran yihiin. Hadaba shaqaalahaas ayaa looga faa’iideynsan karaa ka howl gelinta waxbaridda ardayda iskuulaadka dowladda.

Dowladdu waxa ay sheegtay inay la wareegtay 24 iskuul oo ay dhigan doonaan arday ku dhow 15000 oo arday. Hadaba iskuul kasta meeqo shaqaale iyo macallimiin ayuu u baahna yahay?

Wareejin shaqaale

Haddii fasalkiiba la fariisiyo 40 arday ugu badnaan, 24ka iskuul waxa ay u baahanayaan 375 macallim oo qeyb ka mid ah loo sii dhiibi karo maamulidda iskuulada. Waxaa kaloo iskuul kasta u baahan yahay qiyaastii ilaa 5 qof oo ka shaqeeya adeegyada kale ee uu iskuul kasta u baahan yahay, shaqaalahaasuna, waxa ay isku darkoodu noqonayaa 120 shaqaale. Guud ahaan marka la isku daro shaqaalaha macallimiinta iyo kuwa kaabayaasha waxbarashada, shaqaalaha iskuulaadkaasi u baahan yihiin si ay si joogto ah u shaqeeyaan waa 495 qof. Hadaba xaggee ayaa laga keenayaa qarashaadka ku baxaayo shaqaalahaan.

Waxaa jiro shaqaale badan oo cilmi heer sare ah leh oo iaygu hadda ku qoran wasaaradaha federaalka qaatana mushaahadaas heer sare ah oo aan iyagu qabannin shaqo joogto ah. Shaqaalahaas ayaan soo jeedinayaa in si xor ah loo weydiiyo inay ku wareegaan waxbarshada iyada oo aysan mushaaraadka hadda la siiyo aysan waxba iska dhimaynin si ay iyagiina shaqo waxtar leh dalka ugu qabtaan dalkuna uu uga faa’iido aqoonta shaqaalahaan una isticmaalo meelaha looga baahan yahay aqoontooda.

Shaqaalaha kaabaha iskuulaadkuna, waxa uu ka imaan karaa shaqaalaha gobolka oo iayagu qabta shaqooyinka sida nadaafadda oo iayagana laga heli karo shaqaale u diyaar ah inay ku wareegaan ka shaqeenta iskuulaadka.

Hadaba si looga miro dhaliyo fikirkaan, maxaa loo baahan yahay?

1- Waxaa loo baahan yahay la tirakoobo shaqaalaha rayidka ee shahaadooyinka dugsiga sare ama jaamacadaha heesta oo ay wasaaraduhu hadda ka maarmi karaan.
2- Marka la helo tirada loo baahan yahay, waxaa loo baahan yahay in si ku meel gaar ah loogu soo wareejiyo shaqaalahaas wasaaradda waxbarashada iyaga oo leh xuquuqdii shaqaale ay horay u qaadan jireen.
3- Waxaa lagama maarmaan ah in tababar degdeg ah loo furo oo ay qaataan hababka casriga ee xushmadda leh ee ilmaha wax loo baro, waxaana taas naga caawin karta jaamacadda ummadda qeybteeda waxbarashada.
4- Waxaa laga maar maan ah in dhaqaale lagu fuliyo tababarrada iyo kala wareejinta shaqaalaha loo helo heyadaha loo xilsaaro inay howshaan fuliyaan.
Haddaba haddii intaas qodob la isku raaco oo la qo’aansado in loo howl galo sidii macallimiin joogto ah loogu heli lahaa waxbarashada dowladda oo iyagu tayo sare leh, muddo intee la eg ayaa lagu diyaarin karaa.

Qorshe howleedka

 

Tababarka Macallimiinta

Sida aan sheegnay tababarradaan waxaa isku duba ridaya jaamacadda ummadda kulliyadda Waxbarshada, qaasatan qeybteeda tababarka macallimiinta, iyagoo si joogto ah ula soconaya tayada macallimiinta maadaama uu tababarkani yahay mid degdeg ah oo muddo kooban lagu sameynayo wax u baahnaa ugu yaraan sanad amaba sanado.
Tababarka macallimiinta la siinayo waa mid degdeg ah oo muddo kooban gudahood macallimiinta lagu barayo:

• Hab dhaqanka macallimka Soomaaliya laga rabo
• Maxaa macallimka ka mamnuuc ah, muxuuse u fasaxan yahay
• Sida manhajka loo raaco
• Sida cashirada loo diyaariyo
• Sida loo gudbiyo cashirka
• Sida ardayda mid kastaaba cashir u dhigma loo siin lahaa
• Sida fasalka loo maamulo khaasatan markey joogaan arday xoogaa qalqaali ah
• Sida si joogto ah ilmaha xisada dhexdeeda loogu sameeyo weydiimo macallimka tusa in cashirkiisii wax laga bartay
• Sida ilmaha loo imtixaano iyo weliba sida imtixaanada loo isticmaalo si ardayda waxbarshadooda kor loogu qaado.
• Iyo sida imtixaanada loo keydiyo si loo arko isbedelka joogtada ah ee ay ilmuhu sameynayaan

Waxaa laga yaabaa in intaad oo tababar ah aanan muddo labo bilood ah lagu wada dhameyn kareynin, balse waxaa la yeeli karaa in marka hore macallimiinta la baro qeybaha aasaasiga u ah si ay arday wax u baraan oo iyaga oo macallimiin ah loo sii wado waxbaridda oo loo dhameystiro inta ka dhiman iyadoo loo sameynayo, cashiro horumarineed oo joogto ah.

Kormeer iyo daba gal xagga tayada ayaa jaamacadda laga rabaa illaa inta macallimiintu noqonayaan kuwo si heer sare ah ilmaha wax u bari kara, jaamacadda ayaana u soo diyaarineyso dhammaan shaqaalaha iskuulaadka tabarka ay u arkaan in shaqaaluhu u baahan yahiin. Tababarradaani waxa ay noqon doonaan kuwo aqoon kororsi ah amaba kuwo si qaas ah loogu dirayo macallimiin aan tayadooda weli aheyn heerkii laga rabay.

W/D Cabdixakin Cali Casir

mogadisho69@gmail.com

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: