Maxaa u xal ah ilmihii iskuulada laga joojiyay iyo weliba kuwii sanadkaan imtixaanada sugaayay?

Xaaladda murugada leh ee uu xanuunkan adduunka oo dhan simay keenay ma aha mid la soo koobi karo dhinacyo badan ayuuna saameyn ku yeeshay kuna yeelan doonaa oo cid garanayso xaalku sida uu ahaan doono maalmo ka dib ma jiraan, hadana waxaa lagama maarmaan ah in wax badan la iska warsado khaasatan bahda waxbarashada iyo wasaaraduba isweydiiyaan, sida wax la yeeli doono haddii xaalladu sidaan sii ahaato.

Markii horeba Soomaaliya waxaa waxbaran jiray intii wax heysata oo iskuulada ay dowladdu maamusho macallimiintoodana ay siiyaan mushaaraadkooda iyo wax kasta oo agab ah oo ay u baahan yihiin wey yaraayeen oo ilmo badan oo da’da iskuulka ahi wax ma dhigtaan, balse maanta kuwii yaraa oo iyagu fursadda u heystey inay waxbartaan ayaa si looga hortago faafidda cudurkaan, waxaa la xiray iskuuladii oo maanta illaa iyo dhowr isbuuc xiran iyadoo aysan jiran wax kale oo bedel ah oo ay ilmahaasi waxbarashadii ku sii wadan karaan. Waxaan kaloon war loo heynin waxa ay wasaaraddu ka yeeli doonto ardayda sanadkaan u fariisan doona imtixaanaadka shahaadiga ah si ay u sii aadan waxabarasho dugsi sare amaba mid jaamacadeed amaba ay shaqo u raadsadaan

Caalamka

Caalamka intiisa kale ee nala qaba dhibkaan, qaarba waxbey abaabuleen si ay ilmahooda waxbarashadooda horay ugu sii wataan. Qaarbaa cashiradii ka billoobay radioyada. Qaarbaa taleefishinnada ka billaabay, qaar badan oo aaladaha casriga ah si weyn u isticmaalana, waxa ay cashiradii oo dhan u wareejiyeen qadka oo cashiradii oo muuqaal iyo qoraalba leh ayaad maalin iyo habeenba helaysaa oo ardaygii isagu waxbaranaya wax halkaa uga dhumay maba jiraan. Wadamadaas sidaas u dadaalaya ayaa weli waxaa la tilmaamayaa iuu ka jiro sinaan darro xagga waxbarashada ah oo uu sababay cudurkaan ee bal ka warrama xaaladdeenna.

Soomaaliya

In kastoo horay loo ogaa baahida waxbarashada dalka iyo heerka ay gaarsiisan tahay oo aanna maamul gooni ah xaaladdaan goonida ah aanan loogu eedeyn Karin inay ka gaabiyeen wax la rabay inay qabtaan, hadana waxaa meesha ka maqan isku dayo la rabay in wasaaradda waxbarashadu ay la timaado. Waayo wey cadahay in xaaladdu, haddaan ilaah wax ka bedelin, inay sii adkaan doonto oo laga yaabo in inta sanad dugsiyeedkaan ka dhiman iyo qiyaastii dhowka billood ee ugu horreeya sanad dugsiyeedka soo socda aanba iskuullo la furin. Hadaba, ma waxaan leenahay markii alla nagaarsiiyo iyo wixii gaara Ayaan arkaynaa, mase waxa ay tahay in la isku dayo wax kasta oo ardayda aanan iskuuladdii tegeynin fursad u siiya inay waxbarashadoodii sii wataan? Anigu waxaan qabaa, in xaaladdaan adag oo uu cudurkaani dhaliyay ay ka muuqato fursad dahabi ah oo u baahan in wasaaradda waxbarashada federaalku ay si hufan uga faa’iideyso oo weli si waxbarashada lacag la’aanta dalka kor loogu qaado ay wasaaraddu dhisto qeyb wasaaradda ka tirsan oo cashirada kala duwan ay iskuuladu dhigi lahaayeen iyagu diyaarisa oo aalad kasta oo ay ku gudbin karaanna ku gudbiyaan. Waan ogahay inaysan yareyn miisaaniyadda ay u baahan karto, balse waa adeeg ballaaran oo dhammaan daafaha dalka la gaarsiin karo haddii loo diyaariyo siyaasaddii iyo howlwadeenaddii ka howl geli lahaa. Waxbarashada iskuulka dhexdiisa ah haddii ay shaqeyn la’dahay maanta, waa in laga fikiraa sidii loo dhisi lahaa waxbarasho meelaha fogfog ka timaada uguna tagta ardayda guryahooda si fursad loo siiyo arday kasta oo ay ka maqan tahay inuu waxbarto.

Raadiyaha

Marka laga yimaado qaababka ay maanta caalamku u isticmaalayaan aaladaha casriga ah ee wax la isugu gudbiyo, Soomaaliya waxa laga yaabo in guri kasta laga helo waa radiyo oo weliba si joogto ah loo dhegeysto iyo dad dhegeysiga ku fiican. Hadaba, wallow diyaarinta barnaamijyo tayo leh aysan aheyn wax sahlan, balse wasaaradda waxaa jira wax badan oo ay heysato oo aanan iyaga uga baxeynin qarash dheeri ah. Tusaale ahaan, macallimiintii waa diyaar, buugaagtii wax laga dhigi lahaa waa diyaar, idaacaddii dalka iyo meelihii barnaamijyadaad lagu qaban lahaana waa diyaar. Ma waanan loo heli Karin muujad u gaar ah waxbarashada dalka oo sanad dugsiyeed kasta uu waqti la ogyahay, maado la ogyahay, iyo jadwal lawada yaqaan ugu soo gala arday kasta halkaasna qof kastaahi, yar iyo weyn ay helaan fursad ay dhamaantood wax ku bartaan oo ugu yaraan, haddaanan si ka sii weynba loo fikiri Karin, loo fikiro in inta maanta wax dhigataa aysan waxbarashadii ka sii kala go’in. Waxaan qabaa inay halkaa fursad ballaaran ku jirto haddii aan rabno inaan u fikirno qaabab horleh oo waxbarashadii looga dhigi karo mid la heli karo. Maxaase u xal ah ardayda sanad dugsiyeedkaan dhammeynayey dugsiyada sare iyo kuwa hoose oo iyagu filaayay inay imtixaanno u fariistaan dabayaaqada sanad dugsiyeedkaan?

Imtixaanaadkii shahaadiga ahaa

Doodaha imtixaanka shahaadiga ka taagan ee u dhexeeya wasaaradda waxbarashada iyo maamul goboleedyada qaar ayaa aheyd mid in muddo ah soo taagneyd, maantase xaaladdii oo guud ayaaba isbedel ku dhacay oo waxaa loo baahan yahay in la helo qaab loo wada wajaho si loo sameeyo siyaasad ku meel gaar ah oo sanadkaan lagu dhaqmo iyo ugu yaraan mar kasta oo ay jiraan xaalado degdeg ah oo aanan saamaxeynin in imtixaan dalka ka qabsamo.

Wasaaradda waxbarashada, iyadoo kaashaneysa dhammaan saamileyda waxbarashada dalka oo ay ku jiraan maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, dhammaan jaamacadaha iyo dalladaha oo dhan, waa in la wada gaaraa la iskuna wada afgartaa waxa uu dalku ka yeelayo xaaladdaan murugsan. Xaaladdaan degdegga ah, go’aan ka duwan kuwii hore ayey u baahan tahay, wallow loo baahan yahay in si weyn looga fekero in wax kasta oo la sameeyo aysan go’aanadaasi aysan dhib u geysan ilmaha sanad dugsiyeedkaan sugaayay inay dhammeeyaan waxbarashadi dugsiyada sare una gudbaan waxbarasho heer jaamacadeed ah.

Meelaha qaar, sida dalka ingiriiska, waxaa la go’aamiyay in aanan imtixaan la qaadin sanadkaan oo bedelkiisii ay macallimiinta, heyadaha imtixaanaadka iyo kuwa shahaadooyinku ay si wadajir ah qaab lagu heshiiyay ilmihii loo siiyo darajooyin waxbarasho iyagoon imtixaan gelin. Waxaa laga yaabaa inaad istiraahdo, sidey taasi ku dhici kartaa? Oo weliba darajooyinka waxbarasho iyo shahaadooyinka ardayda sanadkaan la siiyo uusan wax farqi ah uusan u dhexeyn doonin shahaadooyinkii iyo darajooyinkii waxbarasho ee sanad ka hor la bixiyay. Darajooyinka, waxaa lagu saleyn doonaa imtixaanaadkii ee ay macallimiintu qaadi jireen oo badanaa macallimiintu sameeyaan xilliga uu ardaygu ku jiro sanadka ugu danbeeyo. Marka ay darajooyinkii macallimiintu ay arday kasta ku qiyaaseen soo dhammeeyaan ayuu iskuul kastaahi liiskiisa u gudbin doonaa, qolooyinka imtixaanaadka oo iyaguna dib uga fariisan doona oo iyagoo fiirinaya darajooyinkii ardaygaa keenay muddooyinkii la soo dhaafay go’aamin doona darajada ugu danbeysa oo uu ardaygaasi heli doono sanadkaan. Hadaba, haddii arday dood ka qabo darajada macallimkiisu siiyo, waxa uu xaq u yeelan doonaa inuu imtixaan galo billowga sanadka soo socda waana loo ogol yahay.

Tusaalahaani ma aha mid aan u keenay in labada qaab waxbarasho ay yihiin kuwo isku duruuf ah ee waxaan u soo qaatay kaliya in aan idinla wadaago meesha wadamada qaar ay la gaartay iyo sida ay go’aan uga qaateen arintan xasaasiga ah oo haddaanan degdeg wax looga qaban laga yaabo inay dhib badan u geysan doonto hamiga ardayda iyo weliba maamulka waxbarashada dalka waqtigaan adag. Soomaaliya intii wax ku baratay sanadihii adkaa, wey ogyihiin in dagaallo iyo dhib badani ay joojin jireen waxbarashada oo dhan, manaha aha wax ku cusub dalka, oo meelaha nabadda ayaa lagu geli jiray imtixaanaadka inta looga yimaado meelaha aanan nabadda aheyn, laakiin maanta ma jirto meel gaar ah oo ay dowladdu ka hirgelin karto qaadidda imtixaanaadka haddii xaalku sii ahaado sida uu hadda yahay. Hadaba maxaa la gudboon oo ay tahay in wasaaradda waxbarashada federaalku sameyso si wax la ogyahay loogu howgalo oo ay ardayda, macallimiinta, waalidiinta iyo jaamacaduhuba ay u helaan hoggaan ku aadan sida laga yeelaayo imtixaanka shahaadiga ee sanadkaan aafado ka billaabatay caalamka.

Wasaaradda waxbarashada federaalka soomaaliya waxaa u bannaan;
1- Inay imtixaanka sanadkaan oo dhanba ay joojiso, wallow ay taasi caqabad ku noqon doonto dhammaan ardaydii sugeysay imtixaanka sanadkaan
2- In imtixaanka la qabto marka ugu horreysa oo iskuulada si caadi ah loogu soo noqdo oo waqti kooban gudahiisna ardayda jawaabta darajada lagu siiyo si ay waxbarashadooda horay ugu sii wataan
Waxaanse sax aheyn in wasaaraddu aysan soo bandhigin qorshe (waddaddii la rababa ha la isku raacee) si cadna ardaydu u helaan go’aan dowladeed oo ay ku shaqeeyaan inta xaaladdaan lagu jiro.

Ugu danbeyn, cudurkaan waxa uu caalamka tusay inaysan jirin wax sidii loo qaabeeyay isaga socon kara haddii ay timaado xaalad tanoo kale ah waxaanaba laga yaabaa inay noqoto fursad dhalisa in dib looga fikiro sida waxbarashada iyo iskuulada mustaqbalka uu ahaan doono ooba laga guuro waxbarshada waqtiga kooban ah ee uusan ardaygu laheyn waqti kala doorasho iyo maaddo kala doorasho. Oo haddii ay dhacdo in xilli kastaaba cashirku diyaar yahay meel kasta oo aad caalamka ka joogtana aad fasalkaada xaadiri karto waqtiga aad rabto, waxaa laga yaabaa in dad badani ku doodi doonaan maxaa looga baahan yahay waxbarashadaan xilligii kacaankii wershadaha la sameeyay oo weli sidii xilligaas u shaqeyneysa. Soomaaliyese waxaa loo baahan yahay in xaaladdaan murugsan uga faa’iideysato sidii aan uga fikiri laheyd sidii loo dhisi lahaa qaab mujtamaca dalka oo sanadaha badan waxbarasho la’aanta ahaa, sidii dhamaantood si joogto ah wax loo bari lahaa, ardayda maantana ay u heli lahaayeen go’aan cad oo ku aadan waqtiga ay gelayaan imtixaanadooda shahaadiga ee sanadkaan.

W/Q: Cabdixakin Cali Casir
Mogadisho69@gmail.com

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: