Dhibka ugu badani yuu ku dhacayaa haddii dowlad la waayo?


Intii uusan dalku burburin oo aysan aafadu nagu dhicin, Soomaaliya waxa ay laheyd wax kasta oo ay dowlad annagoo kale ah laheyd haba sii tayo yareysee sanadihii ugu danbeeyay.

Isku soo duuboo, waa la dhaqnaa oo dadku waa kala maarmeen oo qoys kastaaba qof lagu fakto marka xaajo xumaato ayaa Ilaah ka soo dhexsaaray. Dadku magaalooyinka waa weyn iyo dalka dibaddiisa ayey u kala shaqo tegi jireen wixi Ilaah ka siiyana dadkooda iyo dalkooda uga manaafacaadsan jiriin.

Sida wadama caalamka kale ka jirtay, xaalado iyo duruufo loo xaglinayay inay dowladdu ka danbeysay iyo sheeg sheegad waa jiray balse dadku dhaqdhaqaaq ayey lahaayeen waana kala mashquulsanaayeen.

Waxay xaaladdu sidaa ahaataba, dadki intoodii ugu ladnayd oo ama shaqaale dowlad ahaa, ama ciidan ahaa, ama ganacsato ahaa amaba aqoonyahan ahaa ayaa mar uun billaabay ka sheegasho ay ka sheeganayaan maamulki ay iyagu waxa dheerida ku haysteen ee aqoonta, darajada iyo maalkaba ay gudahiisa ku heleen waxayna billaabeen in ay reer reero jabhado u sameystaan. Sida caadada u ah maamulna, markiiba dowladdii waxa ay billowday inay cid kasta oo raad soo galaba ka yeesho waxa ay u arkaysay inuu xal u yahay sax iyo qaladba.

Waxay soo jiitanto oo maalinba mid hor leh ugu biirayay jabhadaha ugu danbeyntii dalkii waxaa a wareegay jabhadihii oo aqoonyahankoodii, ganacsatadoodii iyo askartoodii aysan waxba ku soo heshiin balse ku wada socday in dowladdaa la tuuro. Wixii dhacay waaba la ogaa ee maxaa dad helay.

Dhibkii ugu badnaa ee qof Soomaali ah gaaraa waxa uu ku dhacay kuwii iyagu ku ladnaa maamulkii markaa jiray ee taageerayay jabhadaha ee garan waayay war waxa aad taageerayaan maxay noqon doonaan: Waa ganacsatadii, waa aqoonyahankii, waa shaqaalihii dowladda, waa saraakiishii iyo odayaashii dhaqanka qaar badan oo ka mid ahaa iyo culumo.

Waxaa Ilaahey qadaray in Jabhadihii markay dalka qabsadeen maadaama aanan markii horeba isku ujeed la aheyn in dalkii galo xaalad aanan la saadaalin karin oo dagaallo shacab ay meelo badan ka qarxeen. Talo faro waa ka baxday. Waxaa dhacday in kuwii islahaa waxa socda hoggaan baad u tihiin waayeen wax ay hoggaan u yihiin oo ha la isdiirto iyo ibixi oo i bixi ay meel kasta noqotay.

Shaqaalihii dowladda iyo dhammaan xoog maalkii iyo askartii (saraakiisha iyo deblayda) xaalad adag ayaa la soo deristay dhammaantood. Waxaase ugu darnaa saraakiishii iyo ganacsatadii iyagu maalkooda ku dhiibi jiray oo markay arkeen si wax u socdaan qeyb ka noqday wixii socday ama iyagu xaalad adag ku qabsatay dalka. Waxaa caan ah oo la garanayaa saraakiil iyo madax sare oo uu burburku ku qasbay, si ay nolol u helaan, inay qabtaan shaqooyin aysan weligood ku fikirin.
Intii yareed ee ganacsatada aheyd oo ay wax u badbaadeenna ee dalka joogi weyday qaar badan waxa ay qaxooti ku noqdeen wadamada deriska iyo meelo ka fogfog kuna wajaheen nolol aysan weligood ku fikirin inay geli doonaan. Ganacsatadii dalka ku hartana, kuway shalay lacagtooda ku hubaynayeen oo ay kula dagaalamayeen nidaamkii ay ka taajireen ayaa maalin cad suuqa bartamihiisa baabuurtii iyo wixii u haray kaga dhigtay. Yaa reer hebel ah wax ha noo dhisto.

Wixii la soo kufkufaba, la is daba qabay oo sanado dhowr ah waxaa dalka ka jira wax dowlad u eke ah oo qofka maalintaa joogaahi uu tabartii dadaalayo dadkuna leeyihiin wax dhaama lama hayo ee ha la taageero waxaase nasiib darro ah in wixii nagu dhacay aysan aqoonyahannada, ganacsatada, saraakiisha iyo shaqaalaha dowladdu aysan weli wax ka baran. Waa Yaab.

Maantaan arkaysaa “Janan” leh dowladda ayaan shaqsiyaad ka difaacayaa oo iyadaa ka horimaanayaa. Hadda ogow waa mushaari aanan shaqeyn oo intaa oo ciidan ah naftiisa ilaaliso oo aanan kaligii wadada mari karin dhibka uu ummadda u geystay darteed. Waa yaabe, Hilmaan dhowinaa.

Wiil aqoonyahan ah oo adduun soo maray oo wadamo islaameed qaxooti sanado ku soo ahaa oo maanta ku nool Soomaaliya nolol uusan weligii qurbaha ku heleen ayaa leh inta yar ee maanta ummadda u dhisan ha la burburiyo isagoo u shaqeynaya cid uusan garanaynin. Ma hilmaamay meesha uu u noqon doono haddii inta yar ee laheysto isku yaacdo.

Waa yaabe, maxaa dadka kan ugu jilicsan ku riixa inuu taageero waxaan dani ugu jirin?

Soomaalidu waa inay baraarugaan diidaanna hirgelinta hammiga shaqsiga ah ee uu musharax wato. Khaasatan, dadka dowlad ku noolka ah waxaan leeyahay si cad u diida in mar kale dalku hortiinna ku burburo oo ay qaadato in 20 sano kale si mar kale la isu raadraadiyo. Soomaaliduna ha ogaato inaysan adduunka walaal u soo gurmada aysan ku laheyn oo iyaga uun la isku fiirsado oo inta wadan oo gadaasheen qalalaaso ka dhaceen ee loo gurmaday ay ciiddaa ka badan yihiin annagase sidaa lanoo sii kala qeybqeybinayo inta kuwa kale la isku qasbaayo.

Talo gaar ah waxaan u soo jeedinayaa musharixiinta Jazeera. Ilma adeerayaalow isku noqda oo sida aad wax u wadaan wax ka bedela oo eraya xanafta leh joojiya oo ummadda ha kala geynina. Sheega waxa ay tahay in dowladdu saxdo, ugana danbeeya dowladda howlaha dowladnimo iyo maamul. Haddaad diidaan oo aad wado xirasho iyo xisaab xumadii hore aad billowdaan, ogaadha inaad Muqdisho dhowr xaafad nin walbaaba ka talin doono oo wax Soomaaliya la yiraa oo aad xukuntaan aanan la raki doonin. Fadlan inta yar ha naga burburinina ee waxa aad rabtaan ka raadiya xildhibaanada la xuli doono illeen in wax la doorto lama ogolee. Haddaad diidaan Waxaan ka rajeynayaa dadka aad ku tashanaysaan inay idinka tashan doonaan dantoodana ka horumarin doonaan tiinna.

Burbur danbe ma rabnee, Soomaaliyey isu tanaasula.

W/Q: Cabdihakin Cali Casir

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: