Sideen ku helnaa, macallimiin ku jira miisaaniyadda dowladda oo aanan aheyn kuwa hadda iskuulada dowladda ka shaqeeya? Talo soo jeedin

(Qoraalkan waxaan qoray sanad ka hor)

Horumarinta waxbarashada dalka waa furaha helitaanka bulsho ujeed mideysan leh oo iyagu qaabeeya qaabka ay rabaan inay dadkoodu ula jaan qaadaan isbedelka xowliga ah ee uu caalamku maalin kasta ku sii dhaqaaqayo. Waana heerka waxbarashada waxa keena horumarka amaba dib u dhaca bulsho ku yimaada.

In kasta oo aanan la inkiri Karin waqtiga adag ee uu dalkeennu soo maray, hadana waxaanan la dayalsan Karin tillaabooyinka ay madaxda dalku ay ku tillaabsadeen amaba ay qorsheynayaan. Waxaana sax ah inay jiraan caqabado badan oo aanan suurta gal ka dhigeynin wax kasta oo ay dowladdu rabi laheyd inay wax ka qabato, oo ay ugu horeyso miisaaniyad yari dalka oo dhan oo kallifeysa in aanan si ballaaran loo hirgelin Karin adeegyo badan oo aasaasi ah maadaama wixii la sameeyaba ay qoondo gooni ah u baahan tahay. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Ma tahay in la mideeyo waxbarashada dalka, maxaase looga gol leeyahay mideyntaas?

Inta aan su’aashaa jawaabteeda aanan si ballaaran uga jawaabin, waxaa jira waxyaabo badan oo loo baahan yahay inaan marka hore isla fahanno taas oo ay ugu horreyso, ujeedka waxbarashada iyo sababta wadan kastaaba uu u yeesho waxbarasho gaar ah oo ay iyagu si gaar ah u abaabushaan una ilaashaashadaan oo weliba wadamada qaar ay qaabkii waxbarashadadooda iyo dhaqankooda ay rabaan inay caalamka oo dhan uga dhigaan dhaqan amaba habka loo fikiro. Marka ujeedka waxabarashada aan isla fahanno, hadana waxaa loo baahan yahay inaan isla fahanno taariikhda waxabarashada Soomaaliya iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay iyo meesha ay maanta joogto. Waxaa kaloo aynnu u baahannahay inaan fahanno, dhibaatooyinka ka dhashay burburkii dalka ee ku aadan waxbarashada dalka iyo sida ay dowladihii kala danbeeyay ay isugu dayayeen inay arintaa wax ka qabtaan iyo maanta waxa nala haboon si aan u helno waxbarasho tayadeeda la isku haleyn karo oo dal iyo dibadba ardayda dhigata iyo dalkaba anfacta, dalkeenana u horseedda horumarka dhaqan dhaqaale ee laga rabo in waxbarasho wadan ay dalkeeda gaarsiiso. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Qof Soomaali ah oo hadana jinsiyad kale heysta, madax heerkee ah ayey tahay inay ka noqdaan dalka Soomaaliya?

Sida aan wada ognahay labada xafiis ee Madaxweynaha iyo Raisulwasaaraha waxaa hogaamiya xilligaan labo mas’uul oo labadooduba heysta jinsiyado waddamo kale.

Markii RW Khayre yimid dalka Norway seddex maalin ka hor ayey #NorwayinSomalia tweet garaysay sawirka hoos ku jira waxayna yiraahdeen “ waxaa kulmay labo Raisulwasaare oo labadooduba Norweejiyaan ah, waxayna yeesheen shir heer sare ah”! Waa yaab. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Dano is diidan dal kuma dhisan karnee, HESHIIYA.

Laga soo billaabo xilligii dalku yeeshay dowlad ku meel gaar ah, haba ugu darnaato sanidihii ugu danbeeyay, weli nama soo marin dowlad si wadajir ah ku dhameesata afarta sano ee uu dastuurku u qabanayo in uu baarlamaan amaba madaxweyne iyo dowladdiissu ay dalka maamulaan.

Waxaase yaab ku noqotay dad badan oo weliba qaar u qaadan la’ yihiin dowladdii sida mugga laheyd loogu soo doortay inay dalka ka saarto mugdiga oo iyadu ku dadaashay wax badan halheysna u laheyd NABAD iyo NOLOL in maanta xafiisyadeedii ay kala dacwoonayaan.

Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Wax akhris la’aanta ayey u badan tahay inuu sal u yahay, natiijooyinka hooseeya oo ay ilmuhu ka keenaan iskuulaadka.

Waxaa waalid badan oo qurbaha degan aad uga welweliya natiijooyinka hooseeya oo sida la wada tilmaamo ay keenaan ilmo badan oo iyagu waxbarashada halkan ku billaabay amaba iyagoo yar la keenay dalalka ay ku nool yihiin, waxaana rabaa inaan halkaan ku soo bandhigo qoraal yar oo aan ku eegayo waxa aan anigu arkay markaan su’aalo la dhex marmaray waalidiin badan oo iyagu ka cabanaya iskuulaadka oo uu walwal badan ka heysto hoos u dhaca waxbarashada iskuulaadka ay iyagu ilmahooda geeyaan.

Waxaanse rabaa inaan marka hore, sheego in iskuulaad badan oo ay ilmaheennu tagaan qaasatan magaalada aan ku noolahay ee Bristol, UK, inay hooseeyaan waxbarashada iskuulaadka bartamaha magaalada ku yaalla oo runtiina muddo badan laga cabanayay waxbarshada hooseysa ee iskuulaadkaas, waxaase iyana meesha ku jirta oo aan la dhayalsan Karin in ilmo badan oo dhigta iskuulaadkaas ay helaan natiijooyin fiican oo u saamixi kara inay waxbarshadooda hore u sii wataan, iyadoo la hubo in ardaydaasi heli lahaayeen natiijooyin ka sii fiican haddii ay joogi lahaayeen iskuulaadka magaalada qaarkood. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Jabka iyo Dhacca ay Xawaaladaha ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed

Miyaad is-waydiiseen weli sababaha keenay in kharashka xawaaladaha ay ka qaataan Soomaalida lacagaha dirto, illaa iyo haatan aynan is-dhimayn, iyadoo kharashka kaga baxo wax-isdhaafsiga ganacsigooda hoos u dagayo? Teknaloojiyadda is-gaarsiinta sida internetka iyo talleefanadda, tirade wakiiladda iyo ganacsatada meel-walba joogta, iyo, xawaaladaha badan ee dhexdooda tartamaya; intuba waxay ahaayeen inay saamayn weyn ku yeeshaan dulsaarka xawaaladaha ay kaqaataan shacabka Soomaaliyeed. Hadaba arrintii lafilanayay waa ay dhici-weyday. Waxaan rabaa, haday suurto-gal noqoto, in aan qoraalkan ku-furo dood is-waydaarsi si la’isu dhaafsado afkaar suurto-galin-karta go’aamo looga midoobayo mustaqbalka xawaaladaha. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Talo walaal oo Taabid (Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir) ku socota.

Astaanta GobolkaMarka hore waxaan rabaa inaan halkaan ugu soo gudbiyo Taabid hambalyo aan ugu hambalyeynayo xilka qaran ee lagu aaminay lagana dhex doortay dad badan oo dhammaan iyagu aaminsanaa inay yihiin masuuliyiin waxweyn ku soo kordhin kara maamulka magaalo madaxda dalka lana jaan qaadi kara maamulka cusub ee madaxweyne Farmaajo iyo Raisulwasaare  Kheyre.  Waxaana rabaa inaan halkaan kuugu soo gudbiyo talo aan kuu dooray oo aan ka dhaxlay muddaddii aan masuulka ka ahaa mid ka mid ah waaxyaha ugu muhiimsan ee maamulka Gobolka Banaadir. Waxaan hubaa haddii taladaas lagu daro qorshooyinka badan ee aad u heyso gobolka aad rabtana inaad ku horumariso in muddo kooban wax weyn loogu soo kordhin karo ummada degan magaalo madaxda dalka.

Shaqaalaha Gobolka Banaadir

Gobolka waxaa ka shaqeeya dhalinyaro aad u diyaarsan oo weliba madax ka ah waaxyo ay runtii waqti badan geliyeen aqoonna u leh shaqadooda naftootana u huray inay wax ku soo kordhiyaan dib u dhiska dalkooda kuna shaqeynayay xaalado adag oo laga yaabo in waqti dheer uu ka maqnaan jiray mushaarkooda amaba uu hadda bilo ka maqan yahay, una hayay xilkaas inay jiri doonto maalin ka fiican maanta oo ay imaan doonaan masuuliyiin dareensan baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran shaqaalaha gobolka oo garab ku siin doona gudashada howlahooda, sienna doona qadarinta ay madaxdooda ka mudan yihiin. Waxaan marka talo kuugu soo jeedinayaa inaad ka fiirsato oo aadan ku degdegin inaad magacowto shaqsiyaad cusub oo aan howshaan garaneynin oo aad illaa maamulka waaxyaha iyo degmooyinka aad u dhiibto dad cusub. Waa muhiim in la bedelo shaqsigii lagu helo isagoo sameynayo sharci darro waana in sharciga la horgeeyaa, laakiin iska bedelkii horay u dhici jiray sxb waan kaala talinayaa haddii aad rabto horumar degdeg ah. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Maxey yihiin baahiyaha Dhabta ah ee dowladda cusub laga rabo inay wax ka qabato?

saddex-masuul-280x175In kasta oo la wada ogyahay inay wax badan u baahan tahay in waxweyn laga qabto baahiyaha iyo duruufaha maamul iyo dhaqaale ee dalka ka jira, haddana waxaa la isdhihi karaa inuu Madaxweyne farmaajo ku yimid baahi ballaaran oo ay xildhibaanada cusub iyo shacabkuba u qabaan in la helo hab maamul wax weyn ka duwan kii jiray dowladihii isaga ka horeeyay. Waxa kale oo uu isagu qudbooyinkiisa aad uga faaloon jiray intii aan la dooran, inuu haddii uu guuleysto uu aad ula dagaali doono maamul xumada iyo uruursiga dhaqaalaha dowladda oo ah mid si weyn dadka soomaaliyeed ay afka ugu hayeen muddo badan, maxaase la doorayaye laga filayaa Madaxweyne Maxammed Cabdullaahi Farmaajo?

Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Dib u habeyn in lagu sameeyo qaabka waxbarashada dalka loo maamulo, waxey keeni kartaa in la helo waxbarasho tayeysan oo weliba la isku haleyn karo joogtana ah.

images 4Muddadii yareyd ee aan masuulka ka ahaa agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir ayaan rabaa inaan tusaale idiin tuso waxyaabo aan anigu la kulmay oo aan mar kasta sabab uga dhigayo inay muhiim tahay in dib u habeyn lagu sameeyo qaabka loo maaulo waxbarashada dalka iyo weliba qaabka ay wasaaradda waxbarashadu ula shaqeyso maamullda dalka ka curtay iyo inta kale ee taageerta waxbarashada dalka.

Waxaa bishii lixaad ee 2014ka xafiiskeyga iigu yimid shaqaale u shaqeynayay heyad aanan magaceeda rabin inaan sheego oo muddo dheer ku talo jirtay inay dalka, qaasatan magaalada Muqdisho ka billowdo mashruuc waxbarasho oo dhowr milyan oo doolar ah oo socon doona muddo sedex sanadood ah. Sida ay ii sheegeen, waxa ay muddo ku noqnoqanayeen wasaaradda waxbarashada federaalka oo iyadu mar kastaba meelo kala duwan u diraysay iyada oo wax uga soo hagaagayna aysan jirin. Xubnaha aan la kulmay runtii waxa aya aad uga walwalsanaayeen inta lacagta malaayiinta ah oo ay ilmaha Soomaalidu, khaasatan kuwa Muqdisho u baahan yihiin oo laga yaabo in wada shaqeyn iyo howl fududeen la’aan inay lacagtaasi ku noqoto heyadihii soo dhiibay maadaama looga faa’iideyn waayay dadkii loo waday. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Ma Doorasho dadban, mase duudsi dadban.

imagesWaxey Soomaalidu dalkeedii u burburisay diidid ay diidayso kaligii talis isagu howlihi dowladeed ku soo koobay shaqsiyaad isaga ka agdhow oo weliba ku aragti ah.

Waxey soo socotaba oo maalinba ay meel soo joogtaba maanta waxa ay mareysaa in la yiraahdo reeruhu ha isi soo doortaan oo qofkii iyaga meteli lahaa ha soo xushaan.

Halkaas loogama harine, waxaa loo suntay oday kaligii taliye ah oo aan dan ka leheyn danta dadka uu sheeganayo inuu madax u yahay, manaba yaqaanno wax la tashi la yiraa oo meeshiisa ayuu kaligii taliye ka yahay, dhuunta kaliya ayuuna wax ka maqlaa waxna ka arkaa. Yaa nool ma leh, yaa reerka mudan inuu metelo – Soomaalina wax u teri kara ma leh. Waxa uu arkaa oo kaliya waa inuu maanta uu wax kasta dhaafsado labo shilin, oo uu ku amar ku taagleeyo awoodda aysan reerkiisu u dhiiban ee ay danley daniista ah ay shalay danahooda uga faa’iideysteen. Dheeho inta ka hartay qormadaan →