Sideen ku helnaa, macallimiin ku jira miisaaniyadda dowladda oo aanan aheyn kuwa hadda iskuulada dowladda ka shaqeeya? Talo soo jeedin

(Qoraalkan waxaan qoray sanad ka hor)

Horumarinta waxbarashada dalka waa furaha helitaanka bulsho ujeed mideysan leh oo iyagu qaabeeya qaabka ay rabaan inay dadkoodu ula jaan qaadaan isbedelka xowliga ah ee uu caalamku maalin kasta ku sii dhaqaaqayo. Waana heerka waxbarashada waxa keena horumarka amaba dib u dhaca bulsho ku yimaada.

In kasta oo aanan la inkiri Karin waqtiga adag ee uu dalkeennu soo maray, hadana waxaanan la dayalsan Karin tillaabooyinka ay madaxda dalku ay ku tillaabsadeen amaba ay qorsheynayaan. Waxaana sax ah inay jiraan caqabado badan oo aanan suurta gal ka dhigeynin wax kasta oo ay dowladdu rabi laheyd inay wax ka qabato, oo ay ugu horeyso miisaaniyad yari dalka oo dhan oo kallifeysa in aanan si ballaaran loo hirgelin Karin adeegyo badan oo aasaasi ah maadaama wixii la sameeyaba ay qoondo gooni ah u baahan tahay. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Ma tahay in la mideeyo waxbarashada dalka, maxaase looga gol leeyahay mideyntaas?

Inta aan su’aashaa jawaabteeda aanan si ballaaran uga jawaabin, waxaa jira waxyaabo badan oo loo baahan yahay inaan marka hore isla fahanno taas oo ay ugu horreyso, ujeedka waxbarashada iyo sababta wadan kastaaba uu u yeesho waxbarasho gaar ah oo ay iyagu si gaar ah u abaabushaan una ilaashaashadaan oo weliba wadamada qaar ay qaabkii waxbarashadadooda iyo dhaqankooda ay rabaan inay caalamka oo dhan uga dhigaan dhaqan amaba habka loo fikiro. Marka ujeedka waxabarashada aan isla fahanno, hadana waxaa loo baahan yahay inaan isla fahanno taariikhda waxabarashada Soomaaliya iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay iyo meesha ay maanta joogto. Waxaa kaloo aynnu u baahannahay inaan fahanno, dhibaatooyinka ka dhashay burburkii dalka ee ku aadan waxbarashada dalka iyo sida ay dowladihii kala danbeeyay ay isugu dayayeen inay arintaa wax ka qabtaan iyo maanta waxa nala haboon si aan u helno waxbarasho tayadeeda la isku haleyn karo oo dal iyo dibadba ardayda dhigata iyo dalkaba anfacta, dalkeenana u horseedda horumarka dhaqan dhaqaale ee laga rabo in waxbarasho wadan ay dalkeeda gaarsiiso. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Wax akhris la’aanta ayey u badan tahay inuu sal u yahay, natiijooyinka hooseeya oo ay ilmuhu ka keenaan iskuulaadka.

Waxaa waalid badan oo qurbaha degan aad uga welweliya natiijooyinka hooseeya oo sida la wada tilmaamo ay keenaan ilmo badan oo iyagu waxbarashada halkan ku billaabay amaba iyagoo yar la keenay dalalka ay ku nool yihiin, waxaana rabaa inaan halkaan ku soo bandhigo qoraal yar oo aan ku eegayo waxa aan anigu arkay markaan su’aalo la dhex marmaray waalidiin badan oo iyagu ka cabanaya iskuulaadka oo uu walwal badan ka heysto hoos u dhaca waxbarashada iskuulaadka ay iyagu ilmahooda geeyaan.

Waxaanse rabaa inaan marka hore, sheego in iskuulaad badan oo ay ilmaheennu tagaan qaasatan magaalada aan ku noolahay ee Bristol, UK, inay hooseeyaan waxbarashada iskuulaadka bartamaha magaalada ku yaalla oo runtiina muddo badan laga cabanayay waxbarshada hooseysa ee iskuulaadkaas, waxaase iyana meesha ku jirta oo aan la dhayalsan Karin in ilmo badan oo dhigta iskuulaadkaas ay helaan natiijooyin fiican oo u saamixi kara inay waxbarshadooda hore u sii wataan, iyadoo la hubo in ardaydaasi heli lahaayeen natiijooyin ka sii fiican haddii ay joogi lahaayeen iskuulaadka magaalada qaarkood. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Dib u habeyn in lagu sameeyo qaabka waxbarashada dalka loo maamulo, waxey keeni kartaa in la helo waxbarasho tayeysan oo weliba la isku haleyn karo joogtana ah.

images 4Muddadii yareyd ee aan masuulka ka ahaa agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir ayaan rabaa inaan tusaale idiin tuso waxyaabo aan anigu la kulmay oo aan mar kasta sabab uga dhigayo inay muhiim tahay in dib u habeyn lagu sameeyo qaabka loo maaulo waxbarashada dalka iyo weliba qaabka ay wasaaradda waxbarashadu ula shaqeyso maamullda dalka ka curtay iyo inta kale ee taageerta waxbarashada dalka.

Waxaa bishii lixaad ee 2014ka xafiiskeyga iigu yimid shaqaale u shaqeynayay heyad aanan magaceeda rabin inaan sheego oo muddo dheer ku talo jirtay inay dalka, qaasatan magaalada Muqdisho ka billowdo mashruuc waxbarasho oo dhowr milyan oo doolar ah oo socon doona muddo sedex sanadood ah. Sida ay ii sheegeen, waxa ay muddo ku noqnoqanayeen wasaaradda waxbarashada federaalka oo iyadu mar kastaba meelo kala duwan u diraysay iyada oo wax uga soo hagaagayna aysan jirin. Xubnaha aan la kulmay runtii waxa aya aad uga walwalsanaayeen inta lacagta malaayiinta ah oo ay ilmaha Soomaalidu, khaasatan kuwa Muqdisho u baahan yihiin oo laga yaabo in wada shaqeyn iyo howl fududeen la’aan inay lacagtaasi ku noqoto heyadihii soo dhiibay maadaama looga faa’iideyn waayay dadkii loo waday. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Qeybti koowaad ee wareysi uu Agaasimihii hore ee waaxda waxbarashada gobolka Banaadir uu siiyay idaacadda Goob-Joog.

Halkaan ka dhegeyso qeybta koowaad ee wareysi uu Agaasimihii hore ee waaxda waxbarashada Gobolka Banaadir.

 

 

Maamulka waxbarshada oo la baahiyo ayaa horumar iyo midnimo u keeni karta waxbarashada dalka guud ahaan.

images 4Laga soo billaabo markii ay dowladdii ku meel gaarka ay dalka ka curatay oo hadana la isku raacay qaabka federaalka ee aan hadda heysanno welise ay wax badan u dhiman yihiin ayaa waxaa soo if baxayay maalinba maalinta ka danbeysa maamul goboleedyo iyagu leh wasaarado waxbarasho oo iyada oo aysan weli cadeyn qaabka wadashaqeyneyd ee ka dhexeyn doona dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, hadana dalbanaya in loo madax banneeyo arrimahooda shaqo ee xagga waxbashada wallow qaar ka mid ah maamul goboleedyada si weyn loogu xushmeeyo maamulka waxbarashadooda. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Wareysi dheer oo uu Agaasimaha Waaxda Waxbarashada G/Banaadir siiyay idaacadda Maandeeq.

Wareysi dhinacyo badan taabaya ayaa agaasime Cabdixakiin Cali Casir siiyay Idaacadda waxbarashada iyo wacyi gelinta Maandeeg.

Wareysigaas oo ah mid uu agaasimuhu ku bayaaninayo sida loo horumarin karo waxbarashada dalka iyo midda gobolka Banaadir, ayuu ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in waxbarashada qaabka loo maamulaayo dib loogu noqdo oo weliba laga fikiro sidii gobol kastaaba awood loogu siin lahaa sidii uu waxbarashadiisa wax uga qaban lahaa. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Mid Ka mid ah Qoraaladii ugu danbeeyay ee Allaha u Naxariistee, Cabdishakuur Mire. IIBIYIHII WARGAYS-YADA MUQDISHO.!!

Wiilka Joornaalada gedaayay.Qof kasta hiwaayad gaar ah ayuu leeyahay… Dabcan inaan wargaysyada meeshaan ku arko iibasado waa ii Hiwaayad….Wiil yar oo ka mid ahaa dhallinyarada da’yarta ah ee magaalada Muqdisho ku iibiya wargaysyada ayaa nagula soo leexday wargays uu waday… Waa dareemayey meesha aan joogno sida uu ku yimid inuu dhib badan u soo maray…. Hoosta ayaan iska wada eegnay… ragii aan la fadhiyey ma jeclaysan yeerista aan wiilka u yeeray si aan uga iibsado wargayska…..Qaar ayaa i canaantay ha noogu yeerin… Maxaad ugu yeeraysaa … Hadala dhowr ah ayaa la is daba dhigay…. Waa la jir diiday oo la huruufay wiilkaas yarka ahaa ee Iibinayey Wargaysyada ……

Dhag jalaq uma siin ..w axaan ka iibiyey ilaa tobon Joornaal oo ka koobnaa wargaysiyadii kala duwanaa ee uu gacma ku sitay…. Markaas ayaa la igu soo yaacay oo qof walbaa damcay inaan siiyo… waan u diiday oo wiilkii lacagtuu ii sheegay laba laabkeed waxaan ugu diray EVC Plus …… Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Wasiiradda Waxbarashada DFS oo sheegtay in qaabka waxbarashada dalka loo maamulo ay wax weyn iska bedeli doonaan iyo wareysi aan arintaas ka wareysannay Agaasimaha waaxda waxbarashada G/Banaadir.

Wasiiradda waxbarashada KhadarWaxaa shalay oo ay bishani aheyd 1da, marti ku ahaa barnaamijka wicitaanka dhegeystaha ee idaacadda VOA qeybteeda af-soomaaliga, wasiiradda cusub ee wasaaradda waxbarashada federaalka Drs Khadar Bashiir Cali, oo lagu tilmaamo qof aqoon iyo waayo aragnimo dheeraad ah u leh waxbarashada dalka, xilkaan ka horna sida ay sheegtay iskuduwe ka aheyd isla wasaaradda waxbarashada ayaa su’aalo badan lagu weydiiyay barnaamijkaas. Waxaana su’aalaha ka mid ahaa mid ay weydiisay, gabar la yiraahdo Xaawo Cabdulqadir Axmed oo magaalada Luuq-Ganaane ee gobolka Gedo ka soo wactameysay. Xaawo waxa ay si horudhac ah uga sheekeysay duruufaha adag ee ku hareereysan waxbarashada magaaladaas iyo tayo darrada heysata, waxeyna weydiisay wasiiradda, Goorma ayuu gobolka Gedo helayaa saamigeeda waxbarashada Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Mudane ra’isul wasaare, hebel oo ah xildhibaan ahna wasiir waa waxaan eednay.

Waxaa laga yaabaa inaad u qaadato duruufaha adag ee aad ku shaqeyneyso in ummadda Soomaaliyeed aysan la soconnin, balse waxaan kuugu bishaareynayaa inaan ognahay inaad tahay sidii, hashii ninka gurrani soo hooyay, oo aan ula jeedo in labada dhinacba lagaa heysto oo lagaa eedeynaayo, waxaanse hubaa hebel oo ah ahna, inaysan xal waara u noqon doonin ummadda Soomaaliyeed, waxa kaliya oo ay ka fiirsanaayaanna ay tahay mushaarka dhowrka dhinac ah oo ay xildhibaanada wasiiradana ah qaadanayaan oo aysan u jeedin inay wax ka qabtaan dhibaatada heysada ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Dheeho inta ka hartay qormadaan →