Haa, Haddii uu Raisulwasaaruhu aqbalay codsigii xildhibaanada, Maxaa Xildhibaanada ku waajib ah?

kutladaha-6Sida ku cad sawiradaan, 26kii bishaan waxaa ku shiray Hotel Xayaat, xildhibaano sheegay inay dhamaayeen 150 xildhibaan oo isugu jiray labo dhinac oo iyagu si mideysan u soo qoray sedex qodob oo ay uga dalbadeen ra’isulwasaaruhu inuu ku saleeyo soo xullidda wasiirada cusub ee uu ka soo mid dhigi doono golohiisa wasiirada.

Waxaa sidaas si la mid ah cod dheer ugu sheegay ra’isulwasaaraha shacabka Soomaaliyeed oo sida halkaan aad ka dheehan karto https://codkashacabka.wordpress.com/2015/01/20/mudane-raisul-wasaare-hebel-oo-ah-xildhibaan-ahna-wasiir-waa-waxaan-eednay/ qoraalo iyo farriimo ugu sheegay nooca ay tahay inay noqdaan wasiirada uu ra’isulwasaaruhu soo xuli doono, haddii uu rabo inuu dalka horumar u horseedo. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Mudane ra’isul wasaare, hebel oo ah xildhibaan ahna wasiir waa waxaan eednay.

Waxaa laga yaabaa inaad u qaadato duruufaha adag ee aad ku shaqeyneyso in ummadda Soomaaliyeed aysan la soconnin, balse waxaan kuugu bishaareynayaa inaan ognahay inaad tahay sidii, hashii ninka gurrani soo hooyay, oo aan ula jeedo in labada dhinacba lagaa heysto oo lagaa eedeynaayo, waxaanse hubaa hebel oo ah ahna, inaysan xal waara u noqon doonin ummadda Soomaaliyeed, waxa kaliya oo ay ka fiirsanaayaanna ay tahay mushaarka dhowrka dhinac ah oo ay xildhibaanada wasiiradana ah qaadanayaan oo aysan u jeedin inay wax ka qabtaan dhibaatada heysada ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Dheeho inta ka hartay qormadaan →